Sunday, August 16, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Waxaa dalka Kenya aas loogu sameeyay dhakhtarkii ugu horreeyay ee u dhintay xanuunka Covid-19, iyadoo munaasabadda aaska ah ay kasoo qeyb-galeen xubno kamid ah qoyska dhakhtaradda geeriyootay ee Doreen Adisa Lugaliki iyo saaxiibadeedii shaqada . Dhakhtaraddan  ayaa waxay  ku dhimatay Ismaamulka Bungoma . “Waxaan maanta aaseynaa Ubax aan ku il-doogsan jirnay...
Uganda ayaa xustay sannad-guuradii 10aad ee ka soo wareegtay qaraxii 11-kii Luulyo, 2010 ee ka dhacay caasimadda Kampala ee ay ku dhinteen 76 taageerayaal kubadda cagta ah tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen. Ururka Al-shabaab ayaa ka dambeeyay weerarkaan oo lala bartilmaameesaday goobo lagu daawanayay koobkii  adduunka sanadkii 2010. Patrick Onyango, oo...
Ganacsatada qaadka  Kenya ayaa sheegay inay ku hungoobeen dariiq toos ah oo xagga cirka ah oo ganacsigooda isaga gudbi lahaa Nairobi iyo Hargaysa si ay halkaas u geeyaan Qaadkii dowladda Soomaaliya ay joojisay. Ganacstadu waxay sheegeen in ay ka heleen oggolaansho Maamulka Duulista Rayidka ah ee Somaliland, balse diyaaradii ugu...
Raiisel wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo la gudoonsiiyey Abaal-marinta Nabadda ee Nobel ayaa u muuqda mid soo afjaraya kor u qaadista rajada isbedelka dimoqraadiyadda. Rajooyinkaas waxaa lumiyey jawaabtiisa culus ee uu ka qaatay mudaharaadyada ka soo horjeedda dawladda. Mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeeday dowladda oo soo billowday usbuucii hore,...
Madaxweynaha dalka Brasiil Jair Bolsonaro ayaa si toos ah  (live) telefishinka dalkaas ka sheegay in laga helay cudurka Coronavirus. Madaxweyne Bolsonaro oo 65 jir ayaa si xoogan uga soo horjeeday xakameynta cudurka Coronavirus isaga oo diiday in uu xirto mask, dadkana ku dhiiri-galiyey in aysan xiran sidoo kale dhaliilay dadka...
Beeraleyda Qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay ku jiraan waqtiyo adag oo dhaqaale xumo oo kasoo wajahay kadib markii dowladda Soomaaliya ay joojisay duulimaadyada xamuulka ee ka yimaada Kenya. Ganacstada Beeralayda Qaadka ee gobolka Meru, ayaa madaxweynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta ugu baaqay in uu la xiriiro dhiggiisa Soomaaliya...
Mareykanka ayaa isku diyaarinaya inuu soo rogo cunaqabateyn muddo dheer ah oo lagu ciqaabayo saraakiisha sarsare ee Shiinaha oo loo haysto xadgudubka xuquuqul insaanka ee ka dhanka ah muslimiinta gobolka Xinjiang. Cunaqabateyntu waxay u badan tahay inay bartilmaameedsato mas'uuliyiinta Xisbiga Shuuciga ee mas'uulka ka ah gudaha iyo cadaadinta dadka laga...
Duqa Magaalada Toronto ayaa calanka Soomaaliya ka taagay Hoolka Magaalada Toronto jimcihii lasoo dhaafay si loogu xuso Maalinta xurriyada Soomaaliyeed. Duqa magaalada John Tory waxaa ku weheliyey Faysal Xasan oo katirsan siyaasiyiinta Soomaalida Kanada islamarkaana xubin ka ah Golaha Sharci dejinta ee Ontaariyo iyo xildhibaan Yvan Baker. Duqa magaalada John Tory...
Jaamacadda Carabta ayaa talaadadii shalay ka codsatay Itoobiya inay ka waantowdo inay bilowdo buuxinta kaydka weyn ee ay ka dhisayso wabiga Niil, kahor inta aysan heshiis la gaarin Masar iyo Suudaan. Qaraar ay diyaarisay Masar oo ay ansixiyeen wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta, marka laga reebo kuwa Jabuuti iyo...
Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa inay qayb ahaan dib u furto soohdinta Kenya iyo Soomaaliya ee Lamu si loogu oggolaado kalluumeysatada iyo ganacsatada in  ay dib u furaan meheraddooda. Bishii Juun ee sanadkii hore, ayay Kenya xirtay xuduuda si ay uga hortagaan tahriibinta dadka, falalka argagaxisada iyo ganacsiga sharci darrada...