Sunday, August 16, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa inay qayb ahaan dib u furto soohdinta Kenya iyo Soomaaliya ee Lamu si loogu oggolaado kalluumeysatada iyo ganacsatada in  ay dib u furaan meheraddooda. Bishii Juun ee sanadkii hore, ayay Kenya xirtay xuduuda si ay uga hortagaan tahriibinta dadka, falalka argagaxisada iyo ganacsiga sharci darrada...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa sheegay in xog ay heleen ay muujineyso in uu weli noolyahay hoggaamiyahii mucaaradka waddankaasi Soumaila Cisse, kaas oo ku maqan gacanta kooxo Afduubtay xilli uu sameynayay ol-ole la xiriira doorasho dalkaasi ka dhaceysay . sida ay qortay wakaaladda wararka AFP. Madaxweynaha ayaa lagasoo...
Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Human rights watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Ciidamada Mareykanka ay ku guul daraysteen in ay baaraan weeraro lagu dilay dad shacab ah intii udhexaysay February iyo May. Hay'ada Human Rights Watch ma helin wax cadeyn ah oo muujinaya bartilmaamed militari oo ka...
Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa nasiib darro weyn ku tillaamay habka loola dhaqmay askari reer Jabuuti ah oo lagu magacaabo Fu’aad Yuusuf Cali, kaasoo ay sheegeen in la jirdilay laguna xiray goob Suulli ah. Fu’aad Yuusuf Cali, oo baxsad ku joogay dalka Ethiopia ayaa loosoo gacan galiyay Jabuuti. Fariin uu kasoo...
Sheekh Cabdiraxmaan bashiir oo ka mid culumada reer Jabuuti ayaa ku eedeeyey dowladda Jabuuti sida arxan darrada ah ee ay ula dhaqantay duuliye Fu'aad Yusuf Cali oo ku xiran xabsi ku yaala magaalada Jabuuti. Sheekh Cabdiraxamaan Bashiir oo wareysi kooban siiyay Hiiraan Online ayaa sheegay in ay wadaan abaabul xoogan...
Maxkamadda Sare ee Mombasa ee dalka Kenya ayaa Khamiista maanta ah dhageysan doonta codsi ay gudbiyeen toddobo Kenyan ah oo ku xayiran Soomaaliya ka dib markii loo diiday inay galaan waddankooda. Kooxaha udooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in toddobadan Kenyanka ah ay howlo shaqo ugu safreen magaalada kismaayo ee Soomaaliya,...
Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa maalintii sadexaad ka socda muhaaraadyo rabshado wata, kuwaas oo lagu dalbanaayo in la soo xiro saraakiishii ciidanka booliska ee lagu eedeeyay inay dileen George Floyd oo ahaa African-American. Dibad baxayaasha oo ku qeylinaya “Ma neefsan karo” oo ahaa eraygii ugu dambeeyay ee Floyd yiraahdo...
Haweenay u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa noqotay garsoorihii ugu horreeyay ee reer galbeed ah oo xijaaban, waxa ay rajaynaysaa in ay dhiirrigelin u noqoto dhalinyarada muslimiinta ah. Raffia Arshad, oo 40 jir ah, kuna kortay magaalada Yorkshire, woqooyiga England, waxay dooneysay inay sharciga ka shaqeyso tan iyo markii ay jirtay...
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu si ku-meel-gaadh ah u hakiyey tijaabooyin ku saabsan hydroxychloroquine oo loo addeegsanayay in lagu daweeyo cudurka safmarka ah 'Covid-19'. Hay'adda Caafimaadka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Maarso biloowday tijaabooyin caalami ah oo ku saabsan dawooyin kala duwan oo dadka lagu soo celiyo si ay u...
Warbixin ay soo saartay Ethiopia ayaa lagu sheegay in kiisaska 'Covid-19' ay Axadii gaareen 582 kadib markii 88 kiis oo dheeri ah la xaqiijiyay, wasaarada caafimaadka ee Itoobiya ayaa sidaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay. Tani waa illaa iyo hadda kororka ugu sarreeya ee maalinlaha ah ee dalka geeska...