Sunday, August 16, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara  ayaa wasiirkii difaaca dowladdiisa u magacaabay, ra’iisul wasaaraha waddankaas. Ra’iisul wasaaraha cusub Hamed Bakayoko ayaa waxa uu soo dhisi doonaa Golaha cusub ee xukuumaddiisa . Mr Bakayoko ayaa waxa uu xilkaan u sii hayay si kumeel-gaar ah, kadib ra’iisul wasaarahii dalkaas Gon Caoulibaly uu si...
Wararka laga helayo xaafadda Delf ee magaalada Ceptown ayaa waxay sheegayaan in deegaankaasi uu ka bilowday boob, kadib markii dad caresan ay luga mariyeen illaa iyo Afar dukaan oo ay leeyihiin dad u dhashay waddanka Bangladesh, sida goobjoogayaal ay u sheegeen Warbaahinta. Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dad badan...
Uganda ayaa u soo diyaarisay Helicoptaro ka howlgala Soomaaliya si ay uga hoos shaqeeyaan AMISOM loona xoojiyo howlgalada milatari ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida uu qoray The Nile Post. Taliyaha ciiddanka difaaca Uganda Gen. David Muhoozi ayaa sheegay in jiritaanka quwadda hawadu ay siin doonto inay kala firdhiyaan...
Sida lagasoo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda Koonfur Afrika, wasiirka wasaaradda shaqada dalkaasi Thulas Nxesi ayaa waxaa laga helay xanuunka COVID-19, kadib markii baaritaan lagu sameeyay jimcadii shalay. War kasoo baxay wasaaradda shaqada ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in wasiir Nxesi uu hadda isku karaantiilay gurigiisa, halkaasna uu kasoo shaqeyn...
Wararka laga helayo dalka Cameroon ayaa waxay sheegayaan in tobannaan ruux oo loogu haaystay Afduub Gobol ku yaalla Koonfur galbeed oo carruur badani ku jirtay la siidaayay, kadib dhowr maalmood oo dabley looga shakisanyahay Anglophone ay haasteen. Ma cadda in madax furasho laga bixiyay iyo in kale. Xilli hore waxaa warbaahinta...
Xeebaha ku yaalla waddamada galbeedka Afrika ayaa waxaa kordhaya khatarta ay kala kulmayaan maraakiibta iyo doomaha ganacsiga ee isticmaala, kadib markii ay aad u bateen burcad badeedda halkaasi qafaalka ka geysata . sida laga soo xigtay Ururka la socda arrimaha badaha ee IMB loo yaqaanno. Boqolkiiba sagaashan (90%) kooxaha wax...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Gabon Ali Bongo ayaa waxa uu Christiane Ossouka Raponda u magacaabay ra’iisul wasaaraha waddankaas . waana haweeneydii ugu horreysay oo hoggaamiso gole xukuumadeed dal ku yaalla galbeedka Afrika. Gabadhan oo 56 jir ah ayaa bedeli doonta Juien Nkoghe Bekele oo booskaan soo hayay 18-kii bilood ee u dembeeyay. “Mudnaanta...
Ra’iisul wasaaraha waddanka Tunisia Elyes Fakhfakh ayaa  is-casilay sida lagasoo xigtay laba mas’uul oo sar-sare oo ka tirsan dowladda, islamarkaana diiday in warbaahinta ay magacyadooda isticmaasho. Waayadii dembe waxay aragti ahaan kala duwanaayeen xisbiga talada dalkaasi haya ee Ennahdha Fakhfakh waxay wararku sheegayeen iney ku socdeen baaritaanno la xiriira aragtida...
Madaxa shirkad Gawaarida sameysa oo ku taalla dalka Algeria Mahieddine Tahkout, kana mid ahaa shakhsiyaadka  ugu dhaqaalaha badan waddankaasi ayaa lagu xakumay 16 sano oo xarig ah , kadib markii lagusoo eedeeyay musuq-maasuq. Wuxuu saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii dalkaasi ee xukunka laga tuuray Abdelaziz Bouteflika. Mahdieddine Tahkout waxaa lagusoo...
Waxaa dalka Kenya aas loogu sameeyay dhakhtarkii ugu horreeyay ee u dhintay xanuunka Covid-19, iyadoo munaasabadda aaska ah ay kasoo qeyb-galeen xubno kamid ah qoyska dhakhtaradda geeriyootay ee Doreen Adisa Lugaliki iyo saaxiibadeedii shaqada . Dhakhtaraddan  ayaa waxay  ku dhimatay Ismaamulka Bungoma . “Waxaan maanta aaseynaa Ubax aan ku il-doogsan jirnay...