Sunday, August 16, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Sida ay qoreen qaar kamid ah wakaaladaha wararka dunida waxaa maanta qarax ka dhacay caasimadda dalka Afganistan ee Kabul ku dhaawacmay madaxweyne ku xigeenka waddankaas Amrullah Saleh. Qaraxa ayaa loo dhigay kolonyo uu la socday bartamaha magaalada Kabul, xilli uu kusii socday xafiiskiisa shaqada,  sida laga soo xigtay laammaha ammaanka...
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa loo magacaabay murashaxa abaal marinta bilada nabada ee Nobel Peace Prize sannadka 2021, toddobaadyo uun ka dib markii uu gacan ka gaystay nabadeynta Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta. Waxaa u magacaabay Christian Tybring-Gjedde, oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka Norway, oo ku amaantay Trump, dadaalka...
Waxaa magaalada Addis Ababa gaadhay qeybtii ugu horeysay ee sahay caafimaad, oo ay maalgelisay Midowga Yurub si ay gacan uga geysato la dagaalanka COVID-19 oo ka dilaacay Itoobiya iyo sideeda dowladood ee xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD. Tani waa qeyb ka mid ah 60 milyan oo euro oo Midowga...
Raysal Wasaaraha dalka Hindia ayaa dhalleecayn culus kala kulmay markii gobol kamid ah dalka Hindia uu la barbar dhigay Soomaaliya. Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa intii uu ka hadlayey isu soo bax ka dhacay gobolka Kerala oo ku saabsanaa doorashooyinka soo socda, wuxuu isbarbar dhigay Kerala iyo dalka Soomaaliya. Kerala waa...
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay soo celinta ammaanka Soomaaliya kaligeed ku bixisay $ 5.3 bilyan 20-kii sano ee lasoo dhaafay. ku simaha safiirka mareykanka ee UN-ka, Cherith Chalet, ayaa hadalkaan ka hor jeedisay golaha amaanka, iyadoo timaamtay  in lacagtaan faraha badan iyo natiijooyinka ka soo baxa Soomaaliya aysan haba...
Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya usoo diraysa Cutubka toddobaad ee ciidanka ilaalada xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Cutubkaan oo ka kooban in kabadan 600 oo nabad ilaaliyeyaal ah, waxaa qeyb ka ah tiro badan oo maleyshiyaad ah sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeys ka faallooda arrimaha Mitariga ee commandonepost.   Taliyaha ciidanka...
Dhalinyarada lamagac baxday Qeerro ee degaanka Oromiya ayaa maanta oo Talaado ah sameeyay inay xidhaan waddooyinka waawayn ee degaankooda dhex mara, taas oo ay uga dan leeyihiin inay joojiyaan isu socodka gawaadhida iyo dadka. Sababta ka dambaysa jidadka la xiray ayay dhalinyarta Qeerro ku tilmaameen inay ku cabbirayaan sida ay...
Dowladda Kenya ayaa isniintii shalay diiwaan galisay 544 kiis oo cudurka Coronavirus ah, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 22,597 kiis, sida ay shaacisay tirokoobkii ugu dambeeyay oo kasoo baxa wasaaradda caafimaadka. Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sidoo kale ku warrantay inay jirto 263 oo dib u soo kabasho oo dheeri ah,...
Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee dalka Tanzania ayaa waxay si weyn u dhaleeceeyeen sharci cusub oo dembi ka dhigaya in mudaharaadyo lagu abaabulo Internet-ka, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid ka hor imaanaya xuquuqda hadalka iyo xoriyatul qowl-ka. Xeerkaan cusub ayaa dembi ka dhiga abaabulka, qorsheynta amma in lagu...
Sargaal hore oo ka tirsaneyd Guddiga doorashooyinka iyo xudduudaha madaxa-bannaan ee Kenya “IEBC”  Roselyn Akombe ayaa sheegtay in farriimo cabsi gelin ah ay kala kulantay madaxii hore ee fulinta Guddigaas Ezra Chiloba. Farriinta ayaa waxay tilmaantay iney heshay kadib markii ay sheegtay iney u xaqiijineyso sida ay wax u jireen...