Laba iyo Toban Xubnood Ka Tirsanaa TPLF oo Dawlada Ethiopia Sheegtay in ay Dileen.

0
465

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in la dilay 12 kamid ah kooxda TPLF, 6 kamid ah 12kaas waxay ahaayeen hoggaamin sare, kuwaasi oo hoggaaminayey ciidanka kooxdaTPLF, sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Itoobiya oo warbaahinta la hadlay.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in labadii maalmood ee u dambeeyay ay qaadeen ciidamada militarigu hawlgallo dhan walba leh, kuwaas oo lagu wiiqayo kooxda TPLF.

Dagaalada ka socda Itoobiya ayaa marba marka xigta sii xoogaysanaya, waxayna hawlgalladan dambe kusoo hagaagayaan xilli uu Abiyi Axmed ku sugan yahay furimaha hore ee dagaalku ka socdo, isla markaana uu hoggaaminayo ciidamada qaranka ee Itoobiya, kuwaas oo dagaal ba’an kula jira kooxda TPLF.

Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka TPLF, oo kusaabsan sheegashada dowladda, dowladduna wali ma shaacin magacyada hoggaamiyaasha TPLF ee la dilay.

  1.