“Carqaladaynta Eritrea ku hayso deganaanshaha Itoobiya waxay sii dheeraynaysaa colaadda, taasoo caqabad weyn ku ah joojinta colaadda, waxayna khatar gelinaysaa jiritaanka dowladnimada Itoobiya,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri bayaan uu soo saaray.
Bayaanka ayaa lagu xusay warbixinno badan oo ku saabsan bililiqo, kufsi, dil, iyo xannibaadyo gargaar bani’aadanimo oo ay geysteen ciidamada Eritrea.
“Askartan waxaa la arkayey iyagoo xiran dareeska ciidamada Itoobiya oo isbaaro dhiganaya, xannibaya waddooyinka muhiimka ah ee gargaarka, isla markaana u geysanaya handadaad shaqaalaha caafimaadka ee mid ka mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee waqooyiga Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Eritrea ayaa ciidankeeda u dirtay gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya si ay u taageeraan dawladda dhexe ee Itoobiya, oo muddo sannad ka badan ay colaad kala dhexeeyo xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF).
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay bishii Sebtembar ogolaanshaha in cunaqabatayn lagusoo rogo dhammaan dhinacyada isku haya Itoobiya.











