Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u rajeeyay Soomaaliya in ay guulo ay ka gaarto dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee ka dagaalama dalka dhaca Geeska Afrika.
"Dowladda Soomaaliya waxay qaadaysaa tillaabooyin firfircoon oo lagu xoojinayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, la dagaallanka argagixisanimada iyo xagjirnimada, waxayna raadineysaa inay...
Ciidamada TPLF oo Sida Lagu Soo Waramayo Lagala Wareegay Magaalooyin Muhiim u ahaa dibna loo Riixey.
Sida ay baahisay Warbaahinta dowladda Itoobiya, dagaallo adag oo ay dawladdu kula jirtay kooxda TPLF, ayaa waxay dowladdu sheegtay inay la wareegtay magaalooyin waawayn oo istiraatiji ah.
Meelaha lagala wareegay kooxda TPLF ayaa waxaa kamid ah magaalada Gashane oo ah magaalo istiraatiji ah, sida uu sheegay Wasiiru dawlaha Warfaafinta ee...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wadahadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Binu Xamad Al Thani.
Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir dalka Qatar Sheekh Tamim ayaa kulankooda uga wadahadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya...
Ciyaaryahanka Lionel Messi oo u dhashay wadanka Argentina una ciyaaro kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ee ka dhisan dalka Faransiiska, ayaa xalay markii 7-aad ku guuleystay abaalmarinta Kubadda Dahabka ah ee afka Faransiiska lagu yiraahdo Ballon d’Or.
Messi ayaa tartanka kaga adkaaday Robert Lewandowski oo u dhashay wadanka Poland, dhanka weerarkana...
Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay sharciga Soomaaliya ee saxaafadda mid xadidaya madax bannaanida warbaahinta, isla markaana horseedaya in la dhibaateeyo saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Qaraar ay si wadajir ah u soo saareen oo diiradda lagu saarayey Xuquuqda Aadanaha, Xorriyadda Saxaafadda iyo Xaalladda Bani’aadannimo ee Soomaaliya, ayaa Baarlamaanku waxa ay ku taageereen...
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in la dilay 12 kamid ah kooxda TPLF, 6 kamid ah 12kaas waxay ahaayeen hoggaamin sare, kuwaasi oo hoggaaminayey ciidanka kooxdaTPLF, sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Itoobiya oo warbaahinta la hadlay.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in labadii maalmood ee u dambeeyay ay...
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in talada dalka Itoobiya uu siihaynayo Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mokonnen, maadaama Abiyi Axmed uu hoggaaminayo ciidamada qaranka Itoobiya ee dagaalka kula jira TPLF.
Warkan oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Itoobiya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in bulshadu qayb ka...
Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay inay Canada dib u dejin ugu samaysay 71 qaxooti ah oo ay ku jiraan 37 carruur ah, kuwaas oo laga keenay dalka Libya.
Bayaan kasoo baxay hay’adda UNHCR ayaa lagu sheegay in qaxootigan oo muddo ku dhibaataysnaa dalka Libya ay kasoo...
Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo laga soo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nayrobi iyo Soomaalida xaafadda Islii, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo yeeray senator katirsan aqalka sare Kenya oo dhawaan sheegay in xaafadda Islii lagu iibiyo hubka.
Xildhibaan Yuusuf ayaa sheegay in isaga iyo dadweynaha xaafadda Islii ay...
Waxaa Beryahan Soo ifbaxayey Cabashooyin iyo Qaylo Dhaan ka Imaneysay Dadka Danyarta iyo Masaakiinta aan Awooda Ciidan iyo Hub laheyn iyagoo ka Cabanaya Dhul boob lagu hayo Dhulal ay Fac ka Fac Lahaayeen oo Degenaayeen iyadoo looga Dhacayo Warqado Been abuur ah oo ay ku Sheeganayaan Milkiyad,hadii la yiraa...


















