Sunday, August 16, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay inay Canada dib u dejin ugu samaysay 71 qaxooti ah oo ay ku jiraan 37 carruur ah, kuwaas oo laga keenay dalka Libya. Bayaan kasoo baxay hay’adda UNHCR ayaa lagu sheegay in qaxootigan oo muddo ku dhibaataysnaa dalka Libya ay kasoo...
Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo laga soo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nayrobi iyo Soomaalida xaafadda Islii, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo yeeray senator katirsan aqalka sare Kenya oo dhawaan sheegay in xaafadda Islii lagu iibiyo hubka. Xildhibaan Yuusuf ayaa sheegay in isaga iyo dadweynaha xaafadda Islii ay...
Waxaa Beryahan Soo ifbaxayey Cabashooyin iyo Qaylo Dhaan ka Imaneysay Dadka Danyarta iyo Masaakiinta aan Awooda Ciidan iyo Hub laheyn iyagoo ka Cabanaya Dhul boob lagu hayo Dhulal ay Fac ka Fac Lahaayeen oo Degenaayeen iyadoo looga Dhacayo Warqado Been abuur ah oo ay ku Sheeganayaan Milkiyad,hadii la yiraa...
UK ayaa ka hor timid qorshaha lagu doonayo in howlgalka Amisom loogu badalo mid wadajir ah oo ay ku midaysan yihiin Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, sida uu dhawaan soo jeediyay Golaha Nabadda ee Midowga Afrika. Go’aankan ayaa waxaa shaaca ka qaaday safiirka UK u fadhiya QM Barbara Woodward oo...
Kooxo hubeysan oo burcad Koofur Afrikaan ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaasi u tagay howlo ganacsi waxay ku dileen goobtiisii ganacsi. Ganacsadaha Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Maxamed, kaaso burcada ay ku dhex toogteen gudaha dukaankiisa oo ku yaala deegaanka Retreat oo ka tirsan magaalada...
Mareykanka ayaa  ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo uu saaray militariga Eritrea iyo xisbiga talada dalkaas haya, taasoo sii xoojisay dadaalka maamulka Biden ee lagu cadaadinayo kuwa ku lugta leh colaadda sokeeye ee Itoobiya. Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa liiska madow gelisay la taliyaha dhaqaalaha xisbiga talada haya iyo madaxa xafiiska...
Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony J. Blinken ayaa 15-ka bishaan  booqan doona dalka Kenya, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda, Raychelle Omamo. Socdaalka xoghayaha difaaca Maraykanka Antony J. Blinken uu ku tagayo ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu masuuliyiinta Kenya kala xaajoondoona iskaashiga...
Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada midoobay ee ku sugan gudaha Itoobiya. Afhayeen u hadlay hay'adda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay xadhiga shaqaalahaas, isagoo xusay in ugu yaraan 9 kamida shaqaalaha hay'adda Qaramada midoobay iyo qoysaskooda lagu xiray Addis Ababa. Xariga...
Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Greece ayaa tahriibayaal Soomaali ah kusoo celiyay dalka Turkiga. Tahriibayaashaan oo la socday labo doonyood oo si sharci darro ah ku galay dalka Greece ayaa waxaa saarnaa 31 qof. 14 kamid ah waxay ahaayeen rag, 14 dumar ah iyo saddex carruur ah. Dowladda Greece ayaa gabi ahaanba...
Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareysay warar been abuur ah oo ku saabsan in Moos Soomaaliya laga keenay oo ay ku jiraan nooc ka mid ah bakteeriyada loo yaqaan Helicobacter, la galiyay dalkaas. Qoraal ay maanta soo saartay waaxda Beeraha, Dib u habeynta Dhulka iyo Horumarinta Reer Miyiga, ayaa lagu sheegay...