Tuesday, June 2, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ahaa ka yeeshay xaalada dalka Suudaan iyo dil wadareedkii dhawaan ka dhacay magaalada Al-Feshir ee dalkaasi Suudaan Golaha ayaa kulankooda ku lafa guray sida looga gudbi karo dhibaatooyinka dhacaya dalka Suudaan, waxaana Goluhu ay ugu baaqeen dhinacyada isku haaya dalkaas in...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay Bilad Sharaf Qaran ku maamuusay dhigiisa dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Biladd sharaftan Qaran ay tahay mid astaan u ah walaaltinimada, iskaashiga iyo ixtiraamka ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Xasan Sheekh Maxamuud...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn ugu bogaadiyay ciidamada amaanka ee ka howlgala magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho sida ay u xaqiijiyeen amniga Caasimadda. Xamse Cabdi Barre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in masuuliyiin oo xilal ka haya dalka iney suurad xumeeyaan amniga Muqdisho...
Xildhibaanad Ilhan Omar, oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee dalka Maraykanka, ayaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda X (Twitter) in dalka Suudaan uu wajahayo musiibo bani’aadamnimo oo ka mid ah kuwa ugu xun adduunka, isla markaana ay halkaas ka socoto xasuuq ba’an. Ilhan ayaa tilmaamtay in ay jiraan...
Dowladda Uganda ayaa maalmaha soo socda ciidamo cusub u soo diraysa gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya (AUSSOM). Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda, Jeneraal Sare Francis Takirwa, ayaa la hadlay guuto cusub oo askar Ugandha u dhalatay ah oo dhawaan loo diri doono Soomaaliya, si...
Ciidamada Israa’iil ayaa sacaadahii lasoo dhaafay duqaymo culus ka fuliyay meelo badan oo ka mid ah magaalada Gaza, taasoo sababtay dhimashada in ka badan 40 ruux iyi dhaawaca ku dhawaad 100 kale. Duqaynta ayaa xoogeeda waxay ka dhacday Xaafadda Saytuun, waxaana dadka dhibaatadu soo gaartay ay yihiin dadkii dhawaan dib...
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u kala diray Maxkamaddii Ciidamada Qalabka Sida iyo Dembiyada Culus ee Puntland. Madaxweynaha ayaa talaabadan ku sababeeyay cabashooyin taxane ah oo ka yimid guddoonka iyo garsoorayaasha maxkamadda, kuwaas oo ku saabsan eedeymo la xiriira caddaalad-darro iyo musuqmaasuq. Madaxweyne Deni ayaa sheegay...
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta (UAE) horey u jebiyay xayiraadda hubka ee lagu soo rogay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, kadib markii la ogaaday in qalab miltari oo lagu sameeyay UK oo laga iibiyay Imaaraatka lagu arkay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gacanta u galay kooxaha hubeysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa wareegto uu kasoo saaray xafiiskiisa ku sameeyay isbeddel ballaaran oo ku saabsan qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada maamulkaas. Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu saleeyay qodobada 56-aad iyo 57-aad ee Dastuurka Hirshabeelle, kuwaas oo u oggolaanaya Madaxweynaha inuu magacaabo ama beddelo xubnaha Golaha...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Prof. Saalim Caliyow Ibroow inuu noqdo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul wasaaraha, Go’aanka magacaabista ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaruhu uu qiimeeyay baaxadda iyo...