Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo saartay amar si ku meel gaar ah u joojinaya xil magacaabista iyo xil ka qaadista heer degmo iyo heer gobol ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa tallaabadan u sababaysay xaaladaha siyaasadeed iyo amni oo ka jira deegaannadaas, iyadoo ku wargalisay masuuliyiinta dhawaan lagu sameeyay xil ka qaadista in ay sii wataan shaqadooda, tan iyo inta laga soo dooranayo golayaal cusub oo beddela.
Dowladda federaalka ayaa sheegtay in madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay yihiin muddo dhaaf, iyadoo sheegtay in ay u baahan yihiin xal waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowladnimo.
Go’aanka wasaaradda ayaa la sheegay inuu ku saleysan yahay qodobo ka mid ah dastuurka dalka, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo nidaamka dowladeed iyo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay inay la shaqeyn doonto odayaasha dhaqanka iyo hoggaanka Koonfur Galbeed si loo helo xal waara oo lagu dejinayo xaaladda, loona xaqiijiyo in dhammaan go’aannada mustaqbalka ay noqdaan kuwo waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowladnimada.
Go’aankan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, kaddib markii maamulka Koonfur Galbeed uu kala diray maamulkii degmada Bakool, kaddib markii ay la safteen siyaasyiinta taageersan Dowladda Federaalka, kana horyimaadeen Koonfur Galbeed.















