Tiro Xildhibaano Lagu Sheegay 136 ka Tirsan Labada Gole ee Barlamaanka Federalka oo Maamul Goboleedyada Hirshabeele iyo Galmudug ugu Baaqay in ay Doorasho Qabtaan.

0
554

136 Xildhibaan oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhoweeyay go’aanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ku aaddan qabashada doorashooyinkeeda iyo magacaabista guddiga doorashada, iyagoo ku tilmaamay tallaabo waafaqsan dastuurka.

War-murtiyeed kasoo baxay xildhibaannadan ayaa lagu sheegay in doorashooyinka la qorsheeyay ay tahay in ay noqdaan kuwo daahfuran, loo dhan yahay, isla markaana la jaan qaadaya dastuurka dowlad goboleedka iyo kan ku-meelgaarka ah ee dalka. Waxa ay sidoo kale ugu baaqeen maamullada Hirshabelle State iyo Galmudug State in ay qabtaan doorashooyin la mid ah, si waafaqsan dastuuradooda.

Dhanka kale, xildhibaannada ayaa si adag u cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen “duullaan qaawan” oo ay sheegeen in uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa, kaasoo ay sheegeen in uu ka dhan yahay maamulka Koonfur Galbeed. Waxay ku eedeeyeen adeegsiga ciidamo iyo xayiraado la sheegay in lagu soo rogay safarrada bulshada deegaanada Koonfur Galbeed.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in falalka noocaas ah ay wiiqayaan nidaamka federaalka, sumcadda hay’adaha amniga, isla markaana ay abuuri karaan fursado ay ka faa’iideystaan kooxaha hubeysan ee ka jira dalka.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale uga digay madaxweynaha iyo xukuumaddiisa in ay joojiyaan waxa ay ku tilmaameen ku tumashada dastuurka iyo ku takrifalka awoodda, iyagoo xusay in haddii arrimahaas la joojin waayo ay qaadi doonaan tallaabooyin sharci ah oo ay ka mid tahay in la adeegsado qodobka 92aad ee dastuurka, kaasoo oggolaanaya in xilka laga qaado madaxweynaha marka lagu eedeeyo xadgudub culus.

Ugu dambeyn, xildhibaannada ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ilaashadaan midnimada iyo amniga, iyagoo sidoo kale beesha caalamka ugu yeeray in ay door ka qaadato ilaalinta dowladnimada Soomaaliya.

136 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka oo taageeray doorashada Koonfur Galbeed

136 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka oo taageeray doorashada Koonfur Galbeed
136 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka oo taageeray doorashada Koonfur Galbeed