Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay hub la sheegay in laga keenay dalka Masar oo loo gudbinayo kooxo hubeysan oo lala xiriirinayo maleeshiyaad iyo kooxo xagjir ah, isagoo sheegay in arrintaasi ay khatar ku tahay amniga guud ee dalka.
War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee maamulkaasi ayaa lagu sheegay in hubkaasi uu sababi karo xasillooni darro hor leh, kicin karo colaad, isla markaana wiiqi karo isku duubnida bulshada.
Wasaaraddu waxay sidoo kale muujisay walaac xooggan oo ku saabsan ujeeddada ka dambeysa tallaabooyinkan, iyadoo sheegtay in ay u muuqdaan kuwo lagu carqaladeynayo xaaladda Koonfur Galbeed isla markaana lagu bartilmaameedsanayo ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay hore u jireen eedeymo la xiriira in hub ay dowladda Masar siisay Soomaaliya loo weeciyay mucaaradka Koonfur Galbeed, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ay sheegeen in hub loogu talagalay difaaca qaranka loo isticmaalayo colaado gudaha ah .
Dowladsa federaalka Soomaaliya ayaa hore u beenisay eedeymaha ku saabsan inay hub u qeybineyso maleeshiyaadka taabacsan siyaasiyiinta kasoo horjeeda madaxweyne Lafta Gareen.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli maanta ay masuuliyiin ka tirsan Dowladd Federaalka ay gobolka Bakool ku soo bandhigeen kun askari oo ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa culus, kuwaas oo la sheegay in loogu talo galay in Lafta Gareen looga xoreeyo Koonfur Galbeed.













