Shirkadda Google waxay ka saartay adeeggeeda Google App ciwaannada shirkadaha warbaahinta Ruushka ee RT & Sputnik. Twitter, iyaguna waxay sheegeen inay qaadi doonaan tillaabooyin caankaasi ah.
Sidoo kale, Shirkadaha Visa & Mastercard ee adeegga bangiyada waxay ku dhawaaqeen inay xayiraad saari doonaan qaar ka mid ah hay’adaha lacagta Ruushka.
Shirkadda ExxonMobile...
Madaxda Midowga Yurub oo shir ku yeeshay si fogaan arag ah, ayaa sheegay in ay sii kordhinayaan cunaqabataynta saaran Ruushka, iyo in ay taageero millateri ku garab istaagayaan dowlada Ukraine.
Madaxweynaha Komishanka Midowga Yurub, Ursala Von der leyen, oo shirka kadib warbaahinta la hadashay, ayaa sheegtay in Midowgu uu hub...
Ciidamada Ruushka ee duulaanka ku ah dalka Ukraine, ayaa la wareegay magaalo xeebeedka Berdyansk, oo dhacda koonfurta dalka Ukraine, sida BBC-du sheegtay.
Mayorka magaalada Berdyansk Alexander Svidlo, ayaa muuqaal uu ku baahiyay barta Facebook dadwaynaha u xaqiiyay in ciidanka Ruushku ay la wareegeen, sida BBC sheegtay.
"Russian ku waxay soo galeen...
Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee shidaalka ee uu wasiir kamid ah xukuumada Soomaliya la galay shirkad shidaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka.
Dowladda Kenya waxay sheegtay in heshiiskaas uu sii kordhinayso muranka soohdinta badda ee labada dal, iyadoo tilmaamtay in ay ka...
Wadahadalo ayaa saaka la filayaa in ay xuduudka Belarus uga furmaan waftiyo ka kala socda dowladaha Ukraine iyo Ruushka, sida wakaalada wararka ee TASS baahisay.
Lama oga waxa ugu wayn ee lagaga wadahadli doono kulankan bilowga ah, waxaanu kusoo beegmayaa xili ciidamada Ruushku libin laabeen dagaalka ay kula jiraan ciidamada...
Ciidanka Ruushka ayaa madaarka Gostomel oo u dhaw caasimada Ukraine ee Kiev ku burburiyay diyaarada Antonov-225 Mriya oo ahayd tan ugu wayn guud ahaan caalamka sida xukuumada Ukraine sheegtay.
Sida Business Insider qortay Wasiirka Arrimaha Dibbada Ukraine Dmytro Kuleba, oo ka hadlay burburka diyaarada, ayaa yidhi "Ruushku waxa laga yaabaa...
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ku soo rogayso xannibaado ka dhan ah fiisaha tiro ka mid ah mas'uuliyiinta Soomaaliyeed iyo shakhsiyaadka kale ee ku lugta leh dib u dhaca ku yimid doorashada.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in dib u dhaca gabagabada doorashada Soomaaliya ay horseedayso xasilooni darro siyaasadeed oo khatar...
Dowlada Maraykanka, ayaa taageero millateri oo u dhiganta $350 milyan oo dollar ugu deeqaysa dowlada Ukraine, si ay iskaga difaacdo duulaanka Ruushka, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.
Xogeeyaha Arrimaha Dibadda ee dowlada Maraykanka Antony Blinken, ayaa ogolaansho uu ka helay madaxweyne Biden ku meel marinaya deeqdan ciidan.
Deeqdan ayaa...
Ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine, ayaa maalintii saddexaad oo xidhiidha duqayn aan kala joogsi lahayn ku haya magaalooyinka waa wayn ee Ukraine, xukuumada Ukraine na waxay sheegtay in ay dileen kumanaan askar Ruush ah.
Inkasta oo galinkii danbe ee Jimcaha kaarayaasha Ruushka lagu arkay gudaha Kiev, hadana ciidamada difaaca...
Shir ay madaxda gaashaan buurta NATO galinkii danbe ee Jimcaha ku yeesheen magaalada Brussels, ayay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan Ruushka, iyagoo ciidamo ku daad guraynaya waddamada xulufada ka tirsan ee Ruushka jaarka la ah.
Xogeeyaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay in...


















