Maxkamadda sare ee gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa xukuntay in xijaabku aanu ahayn qayb muhiim ah oo ka mid ah diinta Islaamka”, taasoo ah kiis saamayn ku yeelan kara guud ahaan dalka.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii dhowr jeer oo hore uu muran ka dhashay arrinta xijaabka oo socday...
Milateriga dalka Maraykanka ayaa ka codsaday madaxweynaha Joe Biden in ciidamada Maraykanka ee haatan jooga dalalka jabuuti iyo Kenya dib loogu soo celiyo gudaha Soomaaliya.
Saraakiisha sarsare ayaa ku doodaya in ciidamada Soomaalida ahi ay si wax ku ool ah u dagaallamaan Alshabaab marka ay si joogto ah u barbar...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday inuu wax waqti kordhin ah u sameeyo howlgalka la dagaallanka burcad badeedda iyo ka hortagga dhaca hubeysan ee badda Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay midowga Yurub ayaa lagu sheegay in howlgalka EU ATALANTA, uu sii wadi doono gudashada waajibaadyadiisa kale, sida bixinta adeegga Amni...
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa golaha ammaanka kula taliyay in howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya uu joogteeyo heerka ay hadda ku shaqeeyaan illaa dhammaadka sanadkan, sida uu ku sheegay warqad ay heshay wakaaladda wararka ee AFP Talaadadii shalay.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa...
David Bennett oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee lagu tallaalo wadne Doofaar ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka.
Ninkan oo laba bilood ka hor lagu sameeyey qallin loogu geliyey wadne Doofaar ayaanay dhakhaatirtii gacanta ku haysay faahfaahin sababta dhimashadiisa, iyagoo sheegay in xaaladiisu soo xumaanaysay maalmihii ugu dambaysay, ugu dambeyna uu...
Kadib duulaanka Ruushku ku qaaday waddanka jaarkiisa ee Ukraine, waxaa aad u faafay dareenka laga qabo in dowlaha China, ay jasiirada Taiwan ka qaado talaabo millateri oo la mid ah ta Ruushka, inkasta oo dowlada China ay sheegtay in Taiwan anay Ukraine ahayn.
China waa ka dhab in uu jasiirada...
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ku dhawaaqay mamnuucidda saliidda Ruushka iyo tamarta kale ee laga keeno dalka Ukraine isagoo ka aargoosanaya duullaankii Ukraine.
“Waxaan mamnuucaynaa dhammaan soo dejinta saliidda iyo tamarta gaaska ee Ruushka,” Biden ayaa u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad. “Taasi waxay la macno tahay in saliidda Ruushku...
Moscow ayaa askareyneysa rag Suuriyaan ah oo xirfad u leh ku dhex dagaalamidda magaalooyinka, si ay uga dagaalamaan Ukraine, kadib markii ay ku adkaatay ciidamada Ruushka inay gudaha u galaan magaalooyinka, warkaan waxaa laga soo xigtay mas’uuliyiin Maraykan ah.
Xeeldheerayaal Maraykan ah ayaa sheegay in Ruushka oo hawlgallo ka sameynayay...
Masuuliyiinta Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Germany, Belgium iyo Serbia ayaa sameeyay bar isgaarsiineed oo waxtar u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaalada ka socda wadanka Ukraine, kuna sugan dalalka Poland, Romania iyo Serbia.
Madaxda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Beljimka ayaa sidoo kale xafiis adeeg qunsuliyadeed...
Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay 50 kalena way ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday masaajid Shiicadu leedahay oo ku yaala magaalada Peshawar ee dalka Pakistan salaadi Jimcaha.
Masaajidkan oo lagu magacaabo Kucha Risaldar, ayuu qaraxu gilgilay xili dadku masaajidka kusii qul qulayeen si ay ugu tukadaan salaada Jimcaha, Shayan...


















