Saturday, August 15, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasaarada Arrimaha Dibbada ee Ruushka, oo u jawaabtay xildhibaan reer Finland ah, oo sheegay in waddankiisu diyaar u yahay in uu NATO ku biiro si uu u nabadgalo, ayaa sheegtay in hadii Finland ku biirto NATO, ay la kulmi doonto cawaaqib millateri. Qoraalka loogu jawaabay xildhibaanka ayaa lagu sheegay in...
Ciidamada Ruushka ayaa ku sii siqaya magaalada Kiev ee caasimada u ah dalka Ukraine, iyadoo dagaal ba'an oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine uu soconayo. Dowlada Ukraine oo u muuqatada mid u gacan gashay quwad anay u taaghaynin,  ayaan wali ka quusan in ay ciideeda ka diifaacdo ciidamada kusoo duulay....
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, oo sheegay in dalkiisu aanu ciidamo difaaca Ukraine u dirayn, lakinse ay Ruushka kusoo rogayaan cuna-qabatayn. Biden, ayaa sheegay in Putin uu diiday dadaalkasta oo xal loogu heli lahaa dagaalka Ukraine, isla markaaana, uu weerar ka qaaday xili QM shirka yeelanayeen arrimaha Ukraine. "Waxa uu diiday dadaalkasta...
Ciidamada Ruushka ayaa weerar gantaalo loo adeegsaday ku garaacay magaalooyin badan oo ku yaala dalka Ukraine, kadib markii uu amar ku bixiyay madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iney ciidamadiisa howlgalo militari iney ka fuliyaan bariga wadanka Ukraine. Saacado yar kadib khudbad uu Putin ka jeediyay Talafeshinka qaranka dalkiisa ayaa waxaa...
Itoobiya ayaa shaaciyay in maalinta barri ah uu biyo xidheenka Abbay si rasmiya u bilaabi doono in koronto laga dhaliyo, kaddib markii uu muddo dheer uu socday mashruucan biyaha looga dhalinayo korontada. Mashruucan korontada looga dhalinayo wabiga Abbay ayaa socday muddo11 sano ah, wuxuuna billaabmay wakhtigii uu dalka Itoobiya xukumi...
Wararka ka imaanaya deegaanka Lamu ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo meelaha fogfog laga hago lagula eegtay kolanyo ka tirsan ciidamada Kenya. Kolanyada gaadiidka ee ciidamada Kenya ee lala eegtay qaraxa miino ayaa kusii jeeday tuulada Mangay oo ku...
Golaha Xidhiidhka Islaamka iyo Maraykanka (CAIR), oo ah hay’adda u doodda xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta, ayaa ugu baaqday Waaxda Caddaaladda Maraykanka in ay bilaabaan baadhitaan oo lagu ogaanayo toogashadii 2019-kii booliisku u geysteen nin Soomaali-Maraykan ah oo maskaxda ka bukay. Muuqaal fiidiyow ah oo dhawaan booliisku sii daayay ayaa...
Wasaaraddda arrimaha dibaddda ee dowladda Maraykanka ayaa ku  dhawaaqday in la meel mariyay siyaasad ku wajahan in cuna-qabatayn dhinaca  fiisaha ah lagusoo rogo cid kaste oo ku lug leh carqaladaynta doorashada Soomaaliya. Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken, ayaa sheegay in Mareykanka uu si xooggan u taageersan yahay dadka Soomaaliyeed,...
Midowga Yurub oo ah saaxiibka ugu weyn ee dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa dalbaday in isbedel lagu sameeyo qaab dhismeedka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya , iyadoo shuruud looga dhigayo sii wadida maalgelinta howlgallada milateri ee dalka. Midowga Yurub ayaa hadda sheegay in AMISOM ay tahay in ay xoogga saarto dib u...
Todobo qof ayaa ku dhintay ugu yaraan 13 kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii gaari bas oo ay la socdeen dad shacab ah lala eegtay qarax miino, isagoo marayay degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Sida uu sheegay taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-Bari Bunei Rono, waxaa falkaan loo ...