Saturday, August 15, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasiirka warfaafinta XFS Senator Cusmaan Abokar Dubbe ayaa magaaladda Adis ababa kula kulmay wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Itoobiya Dr Legesse Tulu ayaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dowladood iyo iskaashiga dhinaca warbaahinta. Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Itoobiya Dr Legesse Tulu ayaa qiray in Soomaalida xilligaan ay aad ugu horreeyaan...
Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga ayaa baaraya khilaaf soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta Soomaalida oo ku saabsan gacan ku haynta safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay degmada Prati ee magaalada Rome. Loolanka awooddeed ee dublamaasiyiinta ayaa soo bilowday 7-dii April markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay u magacawday Sii hayaha Safaaradda Axmed Cabdiraxmaan...
Hoggaamiyaha ugu sarreeya Maamulka Taliban ee dalka Afghanistan ayaa ka soo muuqday muuqaal naadir ah iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay xuska Ciiddul Fitriga. Waxa ay ahayd markii labaad oo la xaqiijiyay in uu goob fagaare ah kasoo muuqdo tan iyo markii uu la wareegay talada Taliban sanadkii 2016-kii. Mullah Hibtullah Akhundzada...
Dowladda UK ayaa soo saaartay digniin sare oo ku saabsan inay Alshabab isku dayayaan inay weeraro ka geystaan gudaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sheegtay inay jiri karto khatar sare oo afduubasho ah. UK waxay sheegtay inay Alshabaab hanjabaado u jeediyeen reer galbeedka iyo kuwa u shaqeeya ururada reer galbeedka. Waxay...
Beesha caalamka oo bayaan soo saartay, ayaa ku baaqday in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxyna soo dhoweysay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022. Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta...
Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay ka baxday dhammaan goobohii ay horey uga haysteen degaanka Canfarta, goobahan ay baneeyeen TPLF ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ku dagaallamayay TPLF iyo ciidanka gaarka ah ee degaanka Canfarta. TPLF ayaa tallaabadan ay kaga baxeen dhulka Canfarta ku sheegtay mid loogu gogol xaarayo, sidii...
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 34 xubnood oo ay ku sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab,  dowladdu waxay intaa ku dartay in dadkan lagu qabtay Addis Ababa iyo qaar ka mid ah degaannada dalka. Qabashada xubnahan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Itoobiya...
Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa mar kale ku guuleystay Doorashadii dalkaas ka dhacday maanta Waxaana loo doortay mar labaad inuu Madaxweyne kabsii ahaado dalka Faransiiska. Doorashada Faransiiska waa mid muhiim u ah Yurub, maalmahaan dhanna waa la hadal hayay, iyadoo haweeneyda la tartameysay Macron  ay balan qaaday inay ka hor tagi...
Dowladda China ayaa waxay iska fogaysay inay raadinayso sidii ay saldhig millatari uga sameysan lahayd gudaha dalka Soomaaliya. Safiirka China ee Soomaaliya, FEI Shengchao oo wareysi siiyay warbaahinta Goobjoog ayaa ku sifeeyay xog been abuur ah hadal horey ugasoo yeeray taliyaha ciiddanka Maraykanka ee Afrika. Gen, Steven Towsend, ayaa dhowaan wareysi...
Madaxweynaha dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay Maj Gen Thomas Chepkuto inuu noqdo safiirka cusub ee dalka Kenya uqaabilsan Soomaaliya. Danjire Chepkuto ayaa ka mid ahaa 24 safiir iyo saraakiil sare oo loo xilsaaray inay dalka Kenya u metelaan dalal kala duwan. Safiirka Kenya ee Soomaaliya Chepkuto waxa uu hore...