Xoghayihii SJS Cabdalla Muumin oo Markale Ciidamada Nabadsugiddu Qabteen Xabsigana Dhigeen.

0
431

Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa markale xabsiga dhigay weriye Cabdalle Muumin oo ah xoghayihii guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed Syndicate.

Mr Muumin ayaa markii ugu horeysay la xiray todobaadkii hore ka dib markii uu dhaliilay amar ka soo baxay dowladda oo looga mamnuucayay warbaahinta maxaliga ah in ay tabiyaan dhaq dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in la xiray isagoo isku dayaya inuu Nairobi u aado arrimo caafimaad iyo qoyskiisa oo halkaas ku sugan.

Cabdalle Axmed Muumin ayaa sheegay inuu kalyo xanuun aad u daran hayo, isla markaana uu bilaabay cunto ka soomid intii uu xirnaa.

Cabdalle Muumin wuxuu ahaa bartilmaameed tan iyo markii uu cambaareeyay awaamiir dowladdu soo saartay taas oo yaraynaysa tabinta wararka sharciga ah, weriyayaashana gelinaysa khatar aargoosi oo kaga timaada dhinaca dowladda.