Tuesday, June 2, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Sweden ayaa dhowaan koox yar oo ciidan ah u dirtay Soomaaliya si ay u taageeraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada. Joogitaanka ciidanka Sweden wuxuu ku saleysan yahay martiqaad rasmi ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya, waxayna iskaashi la leeyihiin Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika...
Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa si adag uga hadlay dhacdadii aragagaxa badneyd ee ee Shalay ka dhacday deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolkaas. Gudoomiye Najax ayaa ku hanjabay inaysan meelna gabaad ku heli doonin kooxahii sida arxan darada aheyd ugu dilay...
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka digay in Dowlad Goboleedyada gacanta loo geliyo maamulka doorashada xildhibaannada heer federaal. Wuxuu sheegay in tallaabadaas ay dalka gelin doonto xaalad ka sii xun tii doorashadii hore. Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay wali talada hayaan madaxweynayaashii dowlad goboleedyada...
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Mareykanka, Mike Johnson (R-LA), ayaa lagu cadaadinayaa inuu tallaabo ka qaado xildhibaan Ilhan Omar (D-MN), kaddib markii la sheegay inay ku guuldaraysatay bixinta deyn ay 2005 ka qaadatay Dowaldda, si ay isaga bixiso qarashka waxbarashadeeda. Ururka kormeerka siyaasadda ee American Accountability Foundation (AAF) ayaa sheegay in...
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ayaa maanta si kulul u cambaareysay dhacdo murugo leh oo ay hooyo Soomaaliyeed ku umushay afaafka hore ee Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, halkaas oo ilmihii ay dhashay uu ku geeriyooday kadib markii ay hooyadu weysey daryeel caafimaad oo degdeg...
Warbixin ay baahisay waaxda BBC Verify ayaa daaha ka qaaday in hoggaanka ciidamada RSF (Rapid Support Forces) ee Suudaan uu ku hawlan yahay olole lagu xakamaynayo dhaawac soo gaadhay sumcadooda kadib markii ay soo baxeen caddeymo muujinaya xasuuqyo ay ciidamadooda ka geysteen  gudaha magaalada El-Fasher ee waqooyiga Suudaan sida...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in sannadkii ugu dambeeyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish lagu dilay in ka badan 800 oo dagaalame, oo ay ku jiraan 50 horjoogayaal ah. Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay hadda bilaabayso abaabul cusub oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyadoo...
Puntland ayaa si iskeed ah u hirgeliyay nidaam dal-ku-gal, kaas oo dadka socdaalka ku taga gobolka looga qaadayo $60. Qiimahan ayaa aad ugu dhow $64 ee lagu bixiyo fiisaha elektaroonigga ah ee ay dowladda federaalka Soomaaliya hirgelisay. Saraakiil ka tirsan hay'adda socdaalka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay ku shaqeyso...
Zohran Mamdani oo ah nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya, islamarkaana kusoo barbaaray dalka Uganda ayaa ugu dambayn ku guulaystay inuu noqdp duqa Magaalada New York ee dalka Mareykanka. Mamdani ayaa guushiisa ka hor culays xoogan iyo hanjabaad adag kala kulmay madaxweynaha dalkaas Donald Trump, hayeshee ugu dambeyn wuxuu...
Askar ka tirsan ciidamada naafada ee hawlgabka ah ee Somaliland ayaa saaka xidhay waddada gasha Wasaaradda Gaashaandhigga, iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan. Askartan oo gubay taayiro isla markaana dhagxaan ku xidhay waddada, ayaa sheegay in ay naftooda u hureen difaaca Somaliland, balse aan la siin mushaarkoodii. “Wasaaradda Gaashaandhigga wax galaya...