Friday, August 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Bilayska dalka Kenya ayaa baaritaan ku haya nin ajnebi ah oo looga shakisan yahay inuu qorsheynayay inuu u safro Soomaaliya, si uu ugu biiro ururka Alshabaab. Warbixin uu sii daayay Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in Ilyaas Cabdulxamiid oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Canada uu kusii jeeday dhanka Soomaaliya...
Guddi Midowga Afrika (AUPRC) u qaabilsan Qaxootiga, iyo Barakacayaasha (IDPs) oo uu hoggaaminayo Danjire Adenkule J.M. King ayaa soo gebagebeeyey qiimeyn 5 maalmood ah oo ay ka wadeen Soomaaliya, iyagoo ballan-qaaday in Midowga Afrika uu sare u qaadi doono wax ka qabashada xaaladda bini'aadantinimo ee dalka. Guddigan ayaa wada-hadallo la...
Midowga Yurub ayaa muddo kordhin hor leh u sameeyay hawlgallada militari ee ay ka wadaan badda Soomaaliya iyo geeska afrika si ay u fuliyaan siyaasaddooda amniga iyo Difaaca. Warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ciiddanka badda ee Atlanta  oo ka mid ah hawlgalladda milliteri ee EU-da, uu...
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Mohammed El-Amine Souef, ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika uu si dhow ula shaqeyn doono ciidamada ammaanka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab. "Anigoo ku hadlaya magaca ATMIS, militariga, booliiska, iyo rayidka, waxaan ku celinayaa sida ay nooga go'an tahay inaan...
Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Washington ee dalka Mareykanka uu ka furmo Shirka u dhaxeeya hoggaamiyaasha Afrika iyo Madaxweynaha dalkaasi Mareykankanka Joe Biden. Inta badan hoggaamiyaasha dalalka Afrika ayaa maalmahii lasoo dhaafay ku qulqulaayay magaalada Washington, halkaas oo uu ka dhacayo shirka ay martigalineyso dowladda Mareykanka...
Guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xubinimadda guddiga Maaliyadda ee taakuleynta ciidamada dib  u xoreynta deegaanada gobalka Hiiraan. War qoraal ah oo kasoo baxay gudoomiye Jeyte ayuu ku sheegay inuu ku howlan yahay sidii loo xaqiijin lahaa dadaalada amniga, xasiloonidda gobalka Hiiraan...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubeysan ay ugu geysteen baratamaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud nin ganacsade ah oo caan ka ahaa degmadaasi. Maleeshiyaad hubeysan ayaa  fuliyay dilka ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdinuur, kaasoo lagu dilay Kaalin Shidaal oo uu ku lahaa Xaafada Waaberi ee...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed Garaad ayaa soo saaray amar culus oo ku socda shirkadaha duulimaadyada ku taga gobolka Gedo, kaasoo la xariira ineysan diyaaradahooda Muqdisho kasoo qaadi karin dad uu ku sheegay inaan laga rabin gobolka Gedo. Guddoomiye Buulle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qof...
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa daah-furay tartanka Iibka Qandaraasyada ee keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay hay'adaha amniga ee dalka. Sida uu wasiirku sheegay, daahfurkan ayaa looga golleeyahay horumarinta hannaanka Iibka Qandaraasyada Dowladda si ay dadweynaha Soomaaliyeed u wada gaarto Qandaraasyada Dowladda. Dr.  Cilmi...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta dib ula wareegay deegaanka Goofgaduud buureey oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa barqanimadii Maanta si nabdoon kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Goofgaduud buureey, kadib...