Friday, August 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Midowga musharraxiinta madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa ciidamada midowga Afrika ee ATMIS ugu baaqay in aysan ku milmin arrimaha siyaasada. Warsaxaafadeed kasoo baxay golahan kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayay ciidamada ATAMIS uga digeen wax kaste oo keeni kara qalalaase siyaasadeed. Waxay sidoo kale baaq u...
Kusimaha Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho danjiraha dalka Ingiriiska Kate Foster. Danjire Kate Foster ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kala hadashay arrimo la xariira taageerada horumarinta Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo shirka dib u heshiisiinta ee uu...
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 50 dhallinyaro, kuwaas oo ku eedeysan dhac iyo isticmaalka Maandooriyaha, kadib howglallo ciidamada amnigu ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Afhayeenka ciidanka Booliiska, Saddiiq Doodishe ayaa warbaahinta u sheegay in kooxahan lasoo qabtay ay wateen bistoolado iyo baangado...
Afhayeenka Isbaheysiga Xisbiyada Qaran Cali Maxamed Nuux Timajilic oo Warbaahinta maanta la hadlayey ayaa Sheegay in wax aad looga naxo ay Tahey Markii La ogaadey in al shabaab ay Dhameystireen Dhaawicii u Dagaalamayey oo ay Shaley Khalad Dagaal ku Geliyeen,waan Cambaareyneynaa falalka xaasidnimaada iyo jirid go'ynta ah ee ay...
 Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay fal ka baxsan xuquuqda aadanaha, oo ay sheegtay inay ku kaceen AlShabaab, kaddib markii Alshabaab ay 100 kamid ah dagaalamayaasheeda oo ku dhaawacmay Aadan Yabaal ay dhameystirtay. Warsaxaafadeed dowladda Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay hal meel ku laayeen dhaawacooda arrintaas oo ay...
Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya ilaalinta xuquuqda aadanaha si loo hubiyo in qof kasta, oo ay ku jiraan bulshada taagta daran iyo kuwa la heyb sooco, dadka naafada ah, kuwa gudaha ku barakacay, si ay si buuxda u helaan xuquuqdooda iyo xorriyadooda. "Waxaan soo dhaweyneynaa sannad-guuradii 75-aad ee...
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo Maanta ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe. Jenaraal Odawaa Yuusuf ayaa sheegay in howlgal qorsheysan uu ka dhacay deegaanka Dhabaq libeey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada aadan Yabaal ee gobolka...
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaasi heshiis iskaashi kula saxiixday dhigiisa Taliyaha ciidanka Booliiska dalka Itoobiya Janaraal Damelesh Garbamichel. Taliyeyaasha Booliiska dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay iskaashi dhanka amniga iyo wadashaqeyn la...
Qarax gaarigiisa lala eegtay ayaa lagu dilay taliyihii hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Bakaal Kooke. Gaariga ayaa ku qarxay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Luuq iyo Doolow. Sidoo kalena waxaa qaraxa ku dhaawacmay taliyihii hore ee NISA ee degmada Luuq. Wararka qaar ayaa sheegaya in...
Shirkadda DP-World iyo maamulka goboleedka Puntland ayaa toddobaadkan magaalada Dubai ku kala saxiixday heshiis ku saabsan ballaarinta iyo tayeynta dekedda magaalo xeebeedka Boosaaso. Mashruucan oo la filayo in la bilaabo horraanta sanadka 2023-ka, ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo 450 mitir oo ballaarin ah oo sanad kaste la...