Wasiirka amniga maamulka Jubbaland, Sareeye gaas, Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, ayaa ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso dilka taliyihii hay’adda nabad sugida gobolka Gedo, Bakaal Kooke.
Taliyihii hay’adda NISA ee gobolka Gedo, ayaa dhawaan lagu dilay qarax lagula eegtay isagoo safar ku marayay inta u dhaxeysa degmooyinka...
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula qaatay dhigiisa Wasiirka Waxbarashada ee Turkiga, Mohmut Ozer.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa sheegay inuu dhigiisa dalka Turkiga uu la wadaagay xaalada guud ee Waxbarashada Soomaaliya...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad, ayaa la kulmay dhigiisa dalka Maraykanka Joe Biden.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Xasan Sheikh uu la wadaagay madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Waxaa...
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday lacag dheeri ah oo lagu taageerayo howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya iyadoo ay jirto aragtiyo kala duwan oo laga qabo xaaladda abaarta ee Soomaaliya ka jirta.
Madaxa USAID, Samantha Power ayaa ku dhawaaqday in dowladda Mareykanka ay ku deeqeyso $411 oo dheeri ah si loo...
Ergayga gaarka ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in laga hortagay macluul dalka ka dillaacda, kaddib iskaashi looga hortagayo saamaynta abaaraha oo uu sheegay inay sameeyeen dowladda Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha caalamka.
Ergayga ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamku...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Washinton DC ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay xoghayeyaasha wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kala hadlay Xoghaye Antony Blinken, iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin, xaaladda Soomaaliya ee sida dagaalka Al-Shabaab iyo abaaraha.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil...
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo katirsan Alshabaab, kuwaas oo ka dambeeyay dilka nabadoon Cabdiqani Xasan Walloore, kaasoo bishii June ee sanadkan lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Abuukar Cabdi Cabdiraxmaan (Goobe) iyo Salaad Maxamed Cabdi ayaa xukunkaan lagu riday, kaddib markii ay qirteen inay iyagu...
Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhaxe oo dhawaan laga saaray kooxda Al-shabaab.
Wafdiga Raysal wasaaraha oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyaha maamulka...
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Saakay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Baay.
Deegaanada ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 60-aad ayaa kala ah Daynuunaay iyo Moodo moodo oo kala hoostaga magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakada...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kaga dhawaaqay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool dagaal ka dhan ah Ururka Al-shabaab.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka Shabaab, isagoo ka hadlayay xaflad soo dhaweyn ah oo heerkeedu sareeyo oo loogu sameeyay degmada...


















