Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay beesha caalamka in la joogteeyo dhaqaalaha lagu bixinayo gurmadka abaaraha iyadoo 8.3 milyan oo qof la filayo in ay soo wajahdo xaalad cunto yaraan bartamaha sanadka 2023-ka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in in ka badan 7 milyan oo...
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay mudo kordhinta loo sameynayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed ayaa horay mudo kordhin hal sano ah u sameeyay madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen, hayeeshee waxaa arintaasi...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukuno kala duwan ku riday sideed ruux oo midi haweeney tahay, kuwaas oo loo haysto waxa loogu yeero argagixisanimo.
Kooxdaan Maanta ay Maxakama xukunada kala duwan ku riday ayaa la sheegay iney kawada shaqeeyeen dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo arbushaad ah, kuwaas oo...
Milateriga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay si bareer ah dadka rayidka ah uga barakiciyeen tuulooyin iyo magaalooyin ay ka qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macaawisleyda.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay, in istaraatiijiyada Al-Shabaab ay tahay sidii looga hortagi lahaa inay dadku xiriir la yeeshaan oo la shaqeeyaan...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qayb galay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minnesota isku soobax balaaran oo lagu taageerayay halganka dib u xoreynta dalka ee ka dhanka kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka hor jeedinaayay boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid meelo...
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu beeniyay warqad saacadahii lasoo dhaafay si weyn loogu dhex faafinaayay baraha Bulshada, taasoo sheegaysay in guddoomiyaha Baarlamaanka uu sharci ahaan u aqoonsaday doorashada kursiga HOP 086.
Kursigaan HOP 086 ayaa...
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka Ruushka kaga qayb galay shir muhiim ah oo looga hadlayo arrimaha Dhallinyarada dunida Islaamka, waxaana marti gelisay shirkaan dowladda goonida isu maamusha ee Tatarstan oo xubin ka ah midowga Fedaraalka Ruushka.
Shirkan oo...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka ayaa kulan doceedyo la qaatay madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Kenya Yoweri Museveni iyo William Ruto.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay madaxweyneyaasha Uganda iyo Kenya xaaladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda...
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal lagu dilay dagaalameyaal badan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ka dhacay tuulada Juxaay oo hoostagta deegaanka Guulane ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalka uu isugu jiray weerar...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu arko ciidamada dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda oo si wadajir ah isaga kaashanaya dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.
Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan dad doonaya inaan laga xuroobin...


















