Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay 15 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab ku dishay labo duqayn oo ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe.
War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay, in duqaymahan oo dhacday intii u dhaxeysay 14kii illaa 17 december lagu...
Senator Saciid Siyaad oo katirsan barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida inay sii daysay eedeysane dil ku xukumnaa, kaas oo dilay qof shacab ah oo kasoo jeedo dadka uu matalo.
Senatorka ayaa tilmaamay nin ay maxkamaddu dhawaan ku xukuntay dil toogasho, in uusan ahayn...
Wariye Jamaal Cismaan oo ah weriye katirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 , ayaa lagu xiray Muqdisho shalay, waxyar kaddib markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, weriyaha iyo filim-sameeyaha ku guuleystay abaal-marinnada kala duwan ayaa xabsi guri looga dhigay hotel kuyaala garoonka diyaaradaha...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Xalay degmada Qoryooleey ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ATMIS oo isku dhinac ah iyo kuwa Ururka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogga hubeysan ee Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada dowladda iyo Uganda ee ka tirsan holwgalka...
Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maydka sarkaal sare oo katirsanaa ururka Alshabaab oo lagu magacaabo, Yuusuf Maxamed Jingaab (Wasiir).
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumaddda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in sarkaalkan lagu dilay howlgal ka dhacay tuulada Juxaay oo hoostagta degmada Aadan Yabal.
Wasaaraddu waxay sheegtay, sarkalkaan inuu kamid...
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Amniga maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Isaaq Cabdi ayaa amaro culus lagu duldhigay ciidamada dowladda iyo dadka heysta hubka sharciyeysan iyo midka aan sharciyeysneen inaan magaalada Baydhabo lagu dhex wadan karin wax hub ah.
Wareegtada Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa lagu amray dhamaan...
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gobolka Shabeelladda dhexe kusoo bandhigtay Saciid Xuseen Raage oo lagu sheegay inuu ahaa nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay nabadoonkaan inuu ka howlgalli jiray aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane, Islamarkaana uu Alshabaab u qaabilsanaa ururinta Sakawaadka.
Nabadoonkan wuxuu maanta isku soo dhiibay...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaare ah kaga dhawaaqay balan qaad abaalmarin lacageed iyo cafis ku helayaan dagaalyahanada kooxda Al-shabaab ee ku sugan meelaha ay gacanta ku hayaan kooxda Shabaab.
Guddoomiye Jeyte ayaa dagaalyanahada Shabaab u balan qaaday aduun lacageed oo u dhaxeeya 10 kun ilaa...
Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xalay ku dilay Xaafada Xaawa taako ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose guddoomiyahii Dhalinyarada degmada, islamarkaana ahaa guddoomiye Waaxeedka Xaafada Xaawa taako Maxamed Xaaji Xasan.
Dilka guddoomiyaha ayaa la sheegay iney geysteen sadax nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo marxuumka ku dilay Xaafada Xaawa...
Weriyaha Afrika ee Idaacadda Norwey ee Afrika oo wareysi la yeeshay Maxamed Xaaji Ingiriis, oo ah cilmi-baare ka tirsan Waaxda Taariikhda Caalamiga ah ee London School of Economics and Political Science (LSE), oo cilmi-baaris ballaaran u sameeyay Al-shabaab. sanadihii la soo dhaafey.
Vegard Tjørhom: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre...


















