Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa furay shirka madaxda hay’adaha sirdoonka ee dalalka Bariga Afrika, kaas oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 29 illaa 30-ka Abriil 2026, iyadoo ay ka qeybgalayaan saraakiil amni oo ka kala socota dalalka gobolka.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta xaaladaha amni ee dalalka Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka, sidoo kale waxaa lagu falanqeynayaa caqabadaha taagan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadaagga xogta sirdoon ee dalalka xubnaha ka ah.
Khudbaddii furitaanka, Taliyaha Ciidanka ayaa kaga hadlay horumarka dhinaca amniga ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo wada-shaqeynta sirdoon si looga hortago khataraha wadajirka ah.
Waxa uu sidoo kale xusay horumarka laga sameeyay dib-u-habaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Gabagabadii, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa uga mahadceliyay wafdiyada ka qeybgalaya shirka, isaga oo rajeeyay in shirku kasoo baxo natiijooyin wax ku ool ah oo gacan ka geysta nabadda iyo xasilloonida gobolka.













