Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo dhibaatada Israa'iil ay ku hayso dadka reer Falastiin. Dadweynaha ka qeybgalay dibadbaxa oo isaga kala yimid degmooyinka kala duwan ee Muqdisho ayaa si weyn u muujiyay dareen ahaan sida ay uga xun yihiin duqeymaha...
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw cadeeyay mowqifkiisa ku aadan wax ka bedelka hanaanka dowladnimada dalka oo uu sheegay iney ka dhalan karto dhibaatooyin waa weyn. Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalka, lana...
Waxaa Maanta hakad ku jira dhamaan howlahii duulimaadyada diyaaradaha imaan jiray, kana duuli jiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, kadib roobaab xoogan oo dhowr saacadood oo xiriir ah Xalay ka da'ay gudaha iyo daafaha Baledweyne. Roobabka Xalay ka da'ay gudaha magaalada Baledweyne iyo deegaanada ku dhawdhaw ayaa sababay...
Warsaxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen qaar ka mid ah ah madaxdii hore ee dalka ayaa looga soo horjeestay go'aan uu dhawaan qaatay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. War murtiyeedka ayaa waxaa si wadajir u soo saaray Masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore shariif Sheekh...
Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ayaa saldhigii ay ku lahayeen degamada Raage ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Munaasabad ka dhacday gudaha saldhiga degmadaas oo ay ciidanka ATMIS ku wareejinayeen saldhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiil ka...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa xalay la kulmay waxgaradka iyo dubabka dhaqanka Koonfur-galbeed. Madaxweynuhu Xasan sheikh wuxuu kala hadlay  qorshaha qaran ee dabar-goynta Alshabaab iyo xoreynta dalka. Wuxuu sheegay in ay ka go'an tahay dagaalka  Al-shabab iyo in dalka laga...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka argagaxa leh ee lagu qaaday isbitaal kuyaala magaalada Gaza, halkaas oo diyaaradaha Israaliyiintu ay ku dileen boqolaal Falastiiniyiin ah oo u badan haween iyo carruur, Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda ee  Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in ciidanka Israa'iil ee xoogga...
Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda federalka ee Soomaaliya, Mukhtar Roobow Abuu Mansuur ayaa maanta soo bandhigay talooyin lagusoo afjari karo jiritaanka kooxda Shabaab. Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka qeyb galayay daahfurka xarunta Tubsan ee qaabilsan ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka xagjirnimada, taasoo ay ka qeyb galeen safiirada beesha...
Wasiirka Difaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wafdiga Wasiirka Difaaca dowladda Kenya waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Ujeedka safarka Wasiirka Gaashaandhigga dalka kenya ayaa la sheegay iney la...
In ka badan 500 oo qof ayaa lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen cisbitaalka Al-Ahli Baptist ee Gaza Talaadadii xalay. Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinaya meydadka oo daadsan hareeraha isbitaalka. Sida uu sheegay wariye ka tirsan Anadolu, kumannaan Falastiiniyiin ah ayaa ku sugnaa isbitaalka markii dhismaha la duqeeyay. Imaaraatka...