Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa camabareysay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee galaaftay nolosha wariye C/fitaax Macalin Nuur ‘Qeys’. Weriye Cabdifitaax Macallin Nuur qeys oo ahaa agaasimihii telefishinka Somali Cable xafiiskiisa Muqdisho, ayaa kamid ahaa dhowr qof oo ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay degmada Boondheere ee...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed, kaasoo looga hadlaayay doorka ganacsatada ay ka qaadan karaan jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya. Raysal wasaaraha Xukuumada ayaa ugu horeyn tilmaamay muhiimada ay leedahay in hay'daha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay...
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq dhigiisa dalkaas Wasiir Khalid Shwani. Kulanka labada wasiir ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Cadaaladda dalka Ciraaq ay ku leedahay magaalada Baqdaad waxayna kaga hadleen labada masuul arrimo...
Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo uu Xalay fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo isku qarxiyay Maqaaxida Blue Sky oo ku taala xaafada Xaawa taako ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Warsaxafadeed kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxaasi...
The President of the Federal Government of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, today arrived at the air force headquarters of the Somali National Force, which is in the process of repatriating the training troops that were in Eritrea. President Hassan Sheikh who stood over the process of repatriation of the troops...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray xarunta ciidamada Cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ka socoto dib u soo celinta ciidamada tababarka ugu maqnaa dalka Eretariya. Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo ka mid ah...
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud. Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu faray wasiiru dowlaha Wasaadaradaas Liibaan Cabdi Maxamed inuu si kumeel gaar ah usii wado howlaha Wasaaradda. Lama oga...
Guddoomiyihii hore ee jaamacadda Ummadda, Prof Xasan Cumar Mahad alla, ayaa sheegay sababtii xilka looga qaaday in ay ahayd, dagaal uu kula jiray musuq maasuq ka dhex jiray jaamacadda Soomaaliyeed. Prof Xasan Cumar Mahad alla, wuxuu wareysi uu bixiyay ku sheegay ka hor intii aanan xilka laga qaadin inuu xafiiska...
Xilligan cajiibka ah, maadaama aan ku sii jirno yaamayska Bariga Dhexe, waxaa waajib igu ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahaan inaan sameeyo laba baaq oo bini'aadantinimo oo xooggan. Xamaas, la haystayaasha waa in si degdeg ah loo sii daayo shuruud la'aan. Dhanka Israa'iil, helitaan degdeg ah oo aan xannibnayn ee...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray wadada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda iyo wado cusub oo loogu magac daray madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku taala degmada Cabdicasiis. Wadooyinkaan uu maanta madaxweynaha xariga ka jaray ayaa waxaa si isxilqaan ah...