Nin La Sheegay in uu Dil Kasoo Geystay Dalka Kenya oo Booliska Soomaaliya Soo Bandhigeen.

0
691

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah oo lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi.

Eedeysanahaan ayaa loo haystaa sida uu booliisku sheegay, in uu dilay Maxamed Xasan dilkaas oo ka dhacay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgeyndoona Caddaaladda.

booliiska ayaa sheegay inuu hayay macluumaad ku saabsan eedeysanaha kasoo baxsaday Kenya, taasoo u fududaysay inay gacanta ku dhigaan.

Lama oga in dowladda Soomaaliya eedeysanaha ay ku celin doonto Kenya, oo halka uu kasoo baxsaday oo uu falka dilka ah ku geystay sida lagu eedeeyay, ama in dowladdu ku maxkamadaynayso gudaha dalka.