Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ugu yaraan hal qof oo shacab ah oo ahayd gabar dhallinyaro ah, ayaa ku geeriyooday, dhowr qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, shaqaaqo duhurkii maanta ka dhacday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Shaqaaqadan oo dhexmartay ciidamo katirsan Puntland iyo ciidamo kaloo maleyshiyaad ah, ayaa waxay ka dhalatay soo dhowaynta...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo Xalay ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dagaal ayaa ahaa mid ku dhexmaray gudaha magaalada ciidanka Booliiska magaaladaas iyo maleeshiyaad hubeysan, sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan degmada. Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay...
Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21aad oo gacan ka helaya Dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa'uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug. Howlgalka lagu xoreeyay degaankan ayaa waxaa horkacayey taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General...
Roobabkii dayrta ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay si xoog leh uga da'ay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Gedo iyo Baay, taasoo sii kordhisay saamaynta ay geysteen roobabku. Wabiyada oo buux dhaafiyay iyo kor u kaca biyaha ayaa ah mid si caadi ah loo arkay, taasoo keentay in boqollaal...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday laba askari oo ka tirsana ciidanka Booliiska Soomaaliya, kuwaas oo mid ka mid ah uu horay dil u geystay. Askarta xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo la sheegay inuu dil bareer ah...
Richard H. Riley oo madaxweynaha dalka Maraykanka uu u magacaabay danjiraha Soomaaliya, ayaa la filayaa inuu dhawaan xilka si rasmi ah ula wareego. Danjirahan cusub ayaa noqday safiirkii afaraad ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya tan iyo markii xiriirka diblumaasiyadeed ee labada waddan uu dib u soo laabtay sanadkii 2013. Richard...
Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa xaqiijiyay inay saddex qof oo shacab ahi ay ku geeriyoodeen roobkii cuslaa ee habeen hore ka da’ay magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay qiimayn ay sameeyeen in ay ku ogaadeen in roobku uu geystay khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh. Wuxuu sheegay...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan kula wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bakool. Deegaanada ay ciidamada isgarabsanaya kala wareegaan kooxda Al-shabaab ayaa kala ah War-wiin, War-dhato, Ceelahaley, iyo moorigaabey oo dhamaantood...
Dowladda Soomaaliya ayaa u tartamaysa kursi aan joogto ahayn oo ay ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kurasigaas oo haddii ay Soomaaliya ku guulaysato joogi doonto illaa 2026. Kursigaan ay Soomaaliya u tartamayso ayaa ah kursi Afrika u gaar ah ah, si gaar ahna waxaa u yeelan doono waddan...
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, waxaana  halkaasi kusoo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan. Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay...