Wareeggii 2’aad ee Doorashada Puntland oo Saciid Dani ku Hoggaaminayo 40 Cod.

0
417

Wareegga 2-aad doorashada madaxweynaha Puntland, madaxweyne Siciid Deni ayaa ku hoggaaminaya 40 cod, waxaana wareegaan kusoo kordhay 5 cod oo uu ka helay murashixinta ku haray wareeggii koowaad.

Guuleed Saalax Barre oo kusoo xigay ayaa helay 17 cod, waxaana wareegaan ku haray musharax Abshir Cumar Haruuse oo helay 9 cod oo kaliya.

Wareegga ugu dambeeya doorashada waxaa wada aaday musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo haysta 40 cod iyo Guuleed Saalax Barre oo haysta 17 cod. Waxaana sida muuqda madaxweynaha ku guulaysan kara Siciid Deni.

Waa markii ugu horraysay oo la filayo in madaxweyne Puntland ah uu mar labaad talada kusoo laabto, haddii aysan wax isbeddelin, iyadoo noqonaysa taariikh aan horey Puntland, marka loo eego doorashooyinkii Puntland.