Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Hay’adaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay sii daayeen 25 milyan oo dollarka Maraykanka ah si ay ugu bilaabaan samata bixinta daadadka Soomaaliya ka dhacay oo saameeyay 1.2 milyan oo qof. Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ku qiyaasay in 1.6 milyan oo qof ay saameyn karaan fatahaadaha xilli-roobaadka ee...
Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa dagaaladii shalay iyo daraad ka dhacay gobolka Sool ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland. Khaliif waxa uu sheegay in uu ka xunyahay dagaalka dib uga soo cusboonaaday gobolka, waxa aanu sheegay in aanu ahayn mid u danaynanaya dadka deegaanka ee wadadaga."Runtii arrintaa...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda oo lagu meel mariyay hindise sharciyeedyada kala ah Amniga Saybarka (Cyper Security) iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo Golaha ay horgeysay Wasaaradda Amniga Gudaha. Kulanka Golaha Wasiiradda ayaa sidoo...
Ciidamada SSC- Khaatumo ayaa waxay dab qabad siiyeen tuulada Buq-dharkayn oo u dhow degmada Oog, sidoo kalena in ka badan 120km waqooyi Galbeed uga beegan Laascaanood. Degaankaan ayaa waxaa ka dhacay iska-hor imaan u dhaxeeyay ciidamada SSC- Khaatumo iyo kuwa Somaliland, waxaana ku dhintay in ka badan 5 ruux oo...
Hay’adda isku xirka gagaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa shaacisay in lagu howlan yahay sidii loo daad gurayn lahaa illaa 2,400 oo qof oo ku go'doonsan fatahaada ka dhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo. Hay’adda OCHA oo ka jawaabaysay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in doomo loo diray...
Magaaladii ugu horeysay ee dalka Mareykanka ayaa lagu doorto duq magaalo gabar Soomaaliyeed oo Mareykan ah. Nadia Maxamed, ayaa cod aqlabiyad ah kaga guulaysatay Dale A. Anderson, iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali Mareykan ah oo duqa magaalada loo doorto iyo sidoo kale duqii ugu horreeyay ee Madow ee...
SSC-Khaatumo ayaa dagaal saaka ka dhacay deegaanka Yeyla ee gobolka Sool ku eedaysay Somaliland, iyada oo sheegtay in Somaliland ay dagaal beeleed adeegsanayso. Qoraal kasoo Xoghayaha Amniga iyo Difaaca Maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu yidhi "Waxay saaka maleeshiyaadka argagixisada Somaliland weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fadhiisimada ciidamada difaaca SSC-Khaatumo ee aaga...
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya ayaa waxay sagootin u sameysay Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), oo soo dhameystay mudadii uu ahaa Safiirka Dowladda Federalka Soomaaliya ee u fadhiyay Kenya. Dr. Abraham Korir Sing’Oei, oo ah Xoghayaha Golaha Wasiirada Kenya ee Arrimaha Dibadda, iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale iyo xubno...
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 25 qof oo ay ku jiraan wiilal da’doodu yar tahay, kuwaas oo qorsheynayay in ay ku biiraan argagixisada. NISA ayaa sheegtay, dadkani in lagu qabtay meel u dhow Afgooye. Sidoo kale waxay gacanta ku dhigtay darawalkii waday gaariga...
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad khasaare geystay oo ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho. Iska hor imaadka oo ka dhacay xaafada Saban saban ee degmada Deyniile ayaa dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliiska iyo kuwa Militariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa...