Thursday, August 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, waxaana  halkaasi kusoo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan. Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay...
Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya roobab xoogan oo geystay khasaare kala duwan oo Xalay ka da'ay  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Roobabka Xalay ka da'ay gudaha magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 2 ruux. Waxaa sidoo kale roobabka oo watay dabeylo xoogan ay burburiyeen guryo...
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay inuu bilowday baaritaan ku saabsan sababtii ka dambeysay in guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle lagu rasaaseeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar. Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in falka lagu beegsaday guddoomiyaha baarlamaanka uu yahay mid nasiib darro ah oo lid ku ah hab dhaqanka...
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay bisha June ee sanadka soo socda in ay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir ku imaan doonaan doorasho dadweyne. Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu sheegay gobolka Banaadir inuu noqon doono meesha lagu bilaabi doono doorashooyinka dadweynaha, isagoo raaciyay in ay ku xigidoonaan degaanada Koonfur...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wax aan laga aamusi karin ku tilmaamay xaalada ka taagan magaalada Qasa ee Cariga Falastiin. Biixi oo ka hadlayay xuska sannadguurada 30aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa Dowladaha Reer Galbeedka ku dhaleeceeyay isgarabtaaga ay u muujiyeen danbiyada ay Israa'iil galayso. "Madaxweynihii Maraykanka...
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Uganda ayaa u safartay Soomaaliya, si ay u maxkamadeyso laba taliye oo ka tirsan ciidamada Uganda, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay askar ku amreen in ay baxsadaan intii uu socday weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer. Maxkamadda ciidamada...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab iney ka dambeyso dagaal beeleedyada haatan ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen hay'adaha amaanka dowladda Soomaaliya in lagu ogaaday in si...
Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas sacaadahii lasoo dhaafay ay ka da'een roobab xoogan oo geystay khasaare dhimasho ah. Inta la xaqiijiyay laba gabdood ayaa ku dhintay daadad kasoo rogmaday roobabka sacadihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada iyo nawaaxigeeda. Gobolka Gedo waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in lacag gaadhaysa 2 milyan oo dollar ay kaga bixi jirtay dagaalkasta oo dhaca, intii ciidanku Goojacadde joogay. Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shirre oo hortagay guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in lacag badani ay Somaliland kaga baxday dagaalkii Laascaanood. "Intii Goojacadde la joogay dagaal...
Wabiga Jubba ee dhexmara qaar ka mid ah deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo ayaa saacadahii lasoo dhaafay sameeyay fatahaado xoogan oo ay ka barakaceen boqolaal qoys. Meelaha uu wabiga fatahaadaha ka sameeyay waxaa ka mid ah degmooyinka Luuq, Doolow iyo Baardheere oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo, waxaana...