Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho si adag uga horyimid damaca dowladda Itoobiya ku dooneyso iney hesho qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Wasiiradda iyo Xildhibaanada ayaa ugu horeyn amaan iyo bogaadin u jeediyay...
Bannaanbax balaadhan oo lagaga soo horjeedo heshiiska badda ee dhawana dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, ayaa ka dhacay magaalada Boorama.
Bannaanbaxa oo saaka ka bilowday magaalada Boorama ayay dadwaynuhu kaga soo horjeedaan saldhiga ciidan ee ay dhawaan Itoobiya iyo Somaliland ku heshiiyeen in Itoobiya laga siiyo bada Somaliland.
Dhinaca kale, qaar kamid...
Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin ka dhan ah heshiisyadii iskaashiga amniga oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta
Guddoonka baarlamaanka ayaa qabtay mooshinkaan, sida lagu sheegay qoraal uu ku saxiixnaa xoghyaha baarlamaanka, waxaana mooshinka lagu sheegay inuu mid ka dhan ah heshiisyadii amni ee xukuumadda...
22 Musharax oo u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa saakay hortagay baarlamaanka, iyagoo jeedinaya khudbadahooda ay kusoo bandhigayaan barmaamijyadooda siyaasadeed.
Waa maalintii ugu dambeysay oo loo diyaar garoobayo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Musharixiinta ayaa hoolka baarlamaanka ka sheegay inay aqbalayaan natiijada doorashada kasoo baxda,...
Booliiska Somaliland ayaa burbur u gaystay xarunta muuqbaahiyaha MMTV ee magaalada Hargaysa, iyaga oo xidhay Mulkiile Maxamed Cabdi Ilig iyo hawlwadeeno kale, xili ay doodi ka socotay barta X.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxday MMTV, askar ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa xalay soo weeraray Xarunta MM-TV ee Magaalada Hargeisa,...
Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal saacado badan qaatay oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug.
Howlgalka oo ahaa mid isugu jiray cir iyo dhul ayaa ciidamada iskaashanaya waxay ka fuliyeen meel u dhaw deegaanka Jeex jeexa oo...
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus oo maanta ka dhacay Koonfurta Mudug lagu dilay Abaanduulahii guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo hoggaaminaayay ciidamada huwanta.
Dagaalka lagu dilay Abaanduulaha ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ay weerar ku...
Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, ayaa lagu wadaa inay saacad kadib si rasmi ah u shaaciyaan liiska musharaxiinta buuxiyay sharuudaha tartanka doorashada.
Waqtiga kama dambeysta ee loo qabtay musharaxiintu inay isku diiwaan galiyaan waxaa ka harsan wax ka yar hal saac, waxaana guddigu diiwaan galiyay...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo muhiim ah.
Labada madaxweyne ayaa ka wadahadlay xoojjnta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo waliba muhiimada Caalamka u leedahay xasiloonida iyo deganaashaha...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale si adag uga hadlay heshiiska Somaliland ay la gashay dowladda Itoobiya ee la xariiray in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dhulka Soomaaliya horay loo diiday in dad ajnabi ah...


















