Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay iney tahay musharax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.
Marwo Fowsiya Yuusuf oo shir jaraa’id maanta ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in diyaar u tahay iney u tartanto xilka guddoomiyaha Midowga Afrika oo doorashadiisa la qaban doono 25-ka bisha Febaraayo ee sanadka soo soocda 2025.
Waxay sheegtay in qabashada xilkaan ay u tahay iyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed faa’ido weyn, islamarkaana Soomaaliya ay u qalanto haatan iney qabato xilalka sare.
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabile Waa Aqoonyahan kasoo Jeeda Qoys Taariikh Siyaasadeed ku Leh Soomaaliya,Waa Dublamaasi Hore usoo Noqotay Ra’iisal wasaare ku Xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Debedda Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga Qaranka Soomaaliya NDP,kasban karta Dawlado badan oo Midowga Africa Xubno ka ah isla Markaa ay Murashaxnimadeeda isku raacsanyihiin Madaxtooyada,Xukuumadda iyo Golayaasha Barlamaanka Soomaaliya sidaas darteed Guul ayaa loo Rajeynayaa in ay Xilkaas Hanato hadii alle Idmo.
“Soomaaliya waxay isku dayday inay jagadan hesho 1970-meeyadii, laakiin kuma aysan guuleysan, weligeedna ma qaban, balse markaan waxaa guddoonka leh bariga, waxaana ka sharaxan annaga iyo Kenya, waxaana la jooga xiligii an qaban laheyn jagooyinka noocaan oo kale ah” ayay tiri Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale ka dalbatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iney dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii xilkaas ay u hanan laheyd.











