Markab nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo ‘MV LILA NORFOLK’ ayaa goor dambe oo xalay ah laga afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.
Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada badda Hindia, ayaa si aad ah isha ugu haya markabkan la afduubtay, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Jimcihii maanta.
Markabka ayaa waxaa...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka horyimid go’aan kasoo baxay xiriirka kubbada cagta Soomaaliya, kaasoo saddex dhibcood looga jaray xulka gobolka Banaadir sababa la xiriira shaqaaqadii shalay ka dhacay cayaartii dhexmartay Banaadir iyo Hirshabeelle.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan masuul ka ahayn qalad ay sameeyeen taageerayaasha garoonka, iyagoo sheegay...
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Guddiga doorashada ayaa lagu wadaa inay isla maanta soo saaraan sharuudaha laga doonayo musharaxiinta u taagan jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.
Shalay ayay ahayd markii si rasmi ah loosoo gabagabeeyay doorashada hoggaanka baalamaanka, iyadoo...
Somaliland oo ka jawaabtay baaqyo kasoo baxay ururo iyo dowlado oo ku aadana heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegtay in baaqyadaasi anay cambaarayn heshiiska.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), oo waraysi gaar ah siiyay Idaacada VOA, ayaa sheegay in baaqyada kasoo baxaya caalamku anay ka hor iman...
Midowga Yurub ayaa garab istaagay in la ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay heshiis muran badan dhaliyay la saxeexatay Somaliland.
Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Isniintii kala saxeexdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Itoobiya siinaya fursad ay ku hesho Deked Badda Cas...
Xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD, ahna wasiirkii hore ee arrimaha dibbada Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada ku yimid xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya,
Hadalka xoghayaha IGAD ayaa yimid maalin kadib markii ay dowladda Soomaaliya ay diiday is-afgarad ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo ku saabsanaa...
Madaxweynaha dalka Masar Abdel-Fattah El-Sisi ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifka adag ee Masar ay ku garab taagan tahay Soomaaliya, ayna ka taageerto amnigeeda iyo xasiloonideeda.
Madaxweyne El-Sisi ayaa hadalkan ka sheegay mar uu talaadadii xalay khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Soomaaliya anay hakin karin heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana anay jirin wax Soomaaliya ka khuseeya howlaha Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi siiyay Idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in Somaliland ay xor u tahay in anay heshiis la gasho...
Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horaysay xaqiijisay warka aqoonsiga Somaliland, sida lagu baahiyay bogga BBC Nesws Ahmaric.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Mesganu Arga ayaa sheegay in dowladiisu ay Somaliland siinayso aqoonsi buuxa, oo aqoonsigu uu yahay mid kamid ah qodobada ay labada dhinac isla qaateen.
Arga ayaa sheegay in talaabada kowaad...
Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo khudbad u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka, ayaa ku tilmaamay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland mid aan waxba ka jirin oo kasoo horjeeda Qaanuunka caalamiga ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin cid kamid ah Soomaaliya oo...


















