Ururka mucaaradka Oromada ee dalka Itoobiya (OLF), ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib markii ay dowladda Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah.
"Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo isfaham dhinacyada oo dhan ah, anagoo ku boorinayna ixtiraamka qaxootiga iyo muwaadiniinta rayidka ah ee...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay talaabooyin Somaliland ay kula kacday qaar ka mid ah dadkii ka horyimid heshiiskii badda ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu dhawaan Adis Ababa kula galay Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumad ka helay dhiggiisa dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi.
Wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo 7-dii bishan booqasho ku tagay Muqdisho, ayaa madaxweynaha Soomaaliya u geeyay casuumad uga timid madaxweynaha dalka Masar.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masar gaari doona maalmaha inagu soo...
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saqdii dhexe ee maanta dalka dib ugu soo laabtay, isagoo soo gaba gabeeyay booqasho shaqo oo laba maalmood qaadatay oo uu ku joogay dalka Eritrea.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay yeesheen wadahadallo qoto...
Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay khilaafka culus ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiis bilawgii bishan Adis Ababa ku dhexmaray Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Jabuuti oo war qoraal ah kasoo saartay damaca iyo xadgudubka Itoobiya...
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah ugu guulaystay doorashada madaxweynaha Puntland ee 2024-2019, kadib markii uu ku guulaystay wareegii ugu dambeeyay ee codbixinta doorashada madaxweynaha oo ay ku wada tartamayeen musharax Guuleed Saalax Barre.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa helay 45 cod wareegii ugu dambeeyay ee doorashada, waana codadkii...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eretariya.
Madaxtooyada Soomaaliya oo si kooban uga hadashay safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sheegtay inuu yahay mid shaqo, waxaana wafdiga madaxweynaha Soomaaliya garoonka diyaaradaha Asmara kusoo dhaweeyay madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki.
Dowladda...
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo u rajeeyey in uu ku guuleysto waajibaadka loo igmaday.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay...
Golaha Guurtida Somaliland ayaa ansixiyay xeerka doorashooyinka isasaarka ah oo todobaadadii u danbeeyay golaha horyaalay.
Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay xeerka doorashooyinka isasaarka ah oo ay gacanta ku hayeen todobadadii u danbeeyay iyaga oo wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay meelaha qaar kood.
Xisbiyada...
Wareegga 2-aad doorashada madaxweynaha Puntland, madaxweyne Siciid Deni ayaa ku hoggaaminaya 40 cod, waxaana wareegaan kusoo kordhay 5 cod oo uu ka helay murashixinta ku haray wareeggii koowaad.
Guuleed Saalax Barre oo kusoo xigay ayaa helay 17 cod, waxaana wareegaan ku haray musharax Abshir Cumar Haruuse oo helay 9 cod...


















