Hakadka Ku Yimid Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Dekeda Boosaaso oo Dalladda Bulshada Rayidka Puntland ka Digtay.

0
4

Dallada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda ka taagan magaalada Boosaaso, isagoo sheegay in xirmanaanshaha suuqyada ganacsiga oo galay maalintii saddexaad iyo hakadka ku yimid shaqadii Dekedda Boosaaso oo galay maalintii afraad ay saameyn ballaaran ku yeesheen dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.

Warsaxaafadeed ay PUNSAA soo saartay ayaa lagu sheegay in hakadka ganacsiga iyo howlaha dekeddu uu carqaladeeyay adeegyada aasaasiga ah, shaqooyinka iyo ilaha dakhliga ee kumannaan qoys, iyadoo dadka ugu nugul ay yihiin kuwa ku tiirsan mushaharka maalinlaha ah iyo ganacsiyada yaryar.

Punsaa waxay ka digtay in haddii xaaladdu sii socoto ay horseedi karto koror ku yimaada sicir-bararka, yaraanta badeecadaha muhiimka ah iyo dhibaatooyin dhaqaale oo sii saameeya shacabka Puntland. Waxa uu xusay in Dekedda Boosaaso ay tahay laf-dhabarta ganacsiga Puntland, isla markaana hakad kasta oo ku yimaada shaqadeedu uu yeesho saameyn dhaqaale oo ballaaran.

PUNSAA ayaa ugu dambeyn ugu baaqday Puntland, ganacsatada, maamulka dekedda iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafka jira, dibna loogu soo celiyo howlaha ganacsiga iyo shaqada dekedda si looga hortago saameyn dhaqaale iyo mid bulsho oo sii fida.

Warka kasoo baxay dallada PUNSAA ayaa kusoo beegmay, iyadoo dowladdu illaa iyo haatan aysan wax jawaab ah ka bixin xirnaanshaha xarumaha ganacsiga magaalooyin ay kamid yihiin Boosaaso iyo Garowe, iyadoo ganacsataduna ay diideen in ay ogolaadaan canshuuro dheeraad oo lagu soo rogay adeegyada dekedda Boosaaso laga soo dajiyo.