Tuesday, August 4, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buq aqable ee gobolka Hiiraan. Howlgalka ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga dhacay goob garaash ah oo ay kooxdu kasoo abaabuli jirtay weerarada qaraxyada ah oo ay ka geystaan gudaha dalka. War qoraal ah...
 Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aankii ay dhawaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ku sheegtay in ay awood u leedahay in ay baaritaan ku sameyso xasuuqa Israa’iil ay ka geystay Marinka Gaza. Dowladda Soomaaliya ayaa go’aankaan ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtanka tacadiyada ka dhanka...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Fedaraalka iyo saaxiibada Caalamka oo Xalay ka dhacday degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud. Duqeyntaan ayaa noqoneysa midii labaad oo Galhareeri ka dhacda mudo 4 cisho gudahood ah, waxaana la sheegay in lagu bartilmaameedsaday guri ay daganayeen xubno ka...
Xoghayaha Guud ee Qaramada ayaa ku dhawaaqay magacaabista Raisedon Zenenga oo u dhashay Zimbabwe, inuu noqdo ku xigeenkiisa cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Qaramada Midoobay, Zenenga ayaa beddelaya haweeneyda u dhalatay dalka Ghana Anita Kiki Gbeho, taas...
Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku cambaareeyay hanjabaadda Masar ee ku aaddan faragelinta milateri ee Soomaaliya iyo Badda Cas ee ku aaddan muranka biyaha Niil. Bayaanka ayaa Masar ku eedaynaya inay tahay cadow taariikhi ah oo mar walba isku dayaya inuu wiiqo danaha iyo horumarka qaranka...
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka hadlay khilaafka ka taagan dhameystirka Dastuurka ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dhankiisa talaabadii Baarlamaanka labada Aqal ku ansixiyeen habraaca wax ka badelka Dastuurka. Wuxuu sheegay in marxalado kala duwan uu soo maray Dastuurka, islamarkaana maanta loo dhan yahay oo uu...
Demeke Mekonnen oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya, ahaana Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Itoobiya sidoo kalena ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa isaga tagay xilalkii kala duwanaa ee uu Dowladda u hayay, sida ay tabisay Warbaahinta Dowladda Itoobiya. Dhinaca kale Dowladdu waxay sheegtay in...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo Xalay ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaar ahaan xaafada Buundaweyn. Howlgalka ayaa la sheegay in lagu beegsaday xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa xaafadaas, islamarkaana ciidamada ay u suurtagashay iney dilaan mid ka mid ah xubnahii...
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ka hadlay damaca iyo xadgudubka dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ayaa sheegay in maamul goboleedyada dalka ay arinkaasi uga dambeeyaan dowladda Fedaraalka Soomaaliya. Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay in waajib tahay ka hortaga iyo difaaca...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Caad ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen saacadahii lasoo dhaafay ciidamo cusub oo isugu jira ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo ka tagay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Ciidamadaan ayaa qeyb ka noqonaya ciidamo horay usii joogay deegaanka Caad...