Dibadbax Lagu Taageerayo Wax ka Bedelka Dastuurka oo Magaalada Muqdisho Ka Dhacey.

0
547

Waxaa goordhaw Subaxnimadii Saaka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilaawday bannaanbax balaaran oo lagu taageerayo wax ka badalka Dastuurka.

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galaya madaxda maamulka gobolka, masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale oo aad u farabadan.

Dibadbaxaan ayaa u jeedkiisu yahay in taageero loogu muujiyo qorshaha wax ka bedelka Dasturka ee uu wado Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana xiran wadooyinka muhiimka ah ee gala Daljirka Dahsoon oo ah halka uu ka socdo banaanbaxa.

Madaxda iyo masuuliyiinta ka qeybgaleysa banaanbaxa ayaa halkaasi ka jeedin doono khudbado la xariira arrimaha wax ka badalka Dastuurka iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka.