Tuesday, August 4, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh ayaa caddeeyay in aysan dood dambe ka furnayn dastuurka Soomaaliya, isagoo difaacay go’aankii ay shalay labada aqal ee baarlamaanku ku meel mariyeen habraaca wax ka beddelka dastuurka. Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay, wax ka beddel kaste oo lagu sameeyo dastuurka in ay dhaqan galayaan marka la...
Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka NISA iyo kuwa saaxiibada Caalamka oo Xalay ka dhacay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud. Howlgalka oo ahaa mid duqeyn ah ayaa si gaar ah waxaa loola eegtay goobo kala duwan oo...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wasiir cusub u magacaabay wasaarada gaashaandhiga, kadib markii uu wasiirkii hore ee gaashaandhigu dhawaan is casilay. Madaxweynaha ayaa wareegto kasoo baxday madaxtooyada ku magacaabay wasiirka cusub" Waxaan go'aamiyay in Dr. Rooble Muuse Cabdi Cilmi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee...
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamiga ah oo Xalay ka dhacay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud. Howlgalka ayaa la tilmaamay in lala eegtay oo lagu burburiyay goobo ay ka mid tahay idaacadi kooxda Al-shabaab,...
Labada Gole ee baarlamaankam Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah meel mariyey habraaca wax ka beddelka Dastuurka. 180 Xildhibaan oo ka kooban labada aqal ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay wax ka beddelka dastuurka, waxaana diiday 30 xildhibaan, sida uu sheegay guddoonka golaha. Buuq ayaa hareeyeeyay meel marinta...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay degmada Wartanabada ee magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ayaa waxaa fuliyay ruux iskusoo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo la sheegay in ciidamada amniga...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilaawday qarax Ismiidaamin ah oo kooxda Al-shabaab ay ku qadaay deegaanka Caad ee gobolka Mudug. Ururka Al-shabaab ayaa weerarka ku qaaday waabarigii hore ee saakay Saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Caad, waxaana halkaasi ku dhexmaray labada...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh  ayaa iska fogeeyay inuu madaxweynaha Masar kala xaajooday arrimo militari iyo in Masar ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya si ay uga taageeraan difaaca baddeeda. “Waxaan aaminsanahay in dhibaatadu aysan weli gaarin halkaas. Taasina waa sababta aan uga digayno Itoobiya oo aan u leennahay war ka jooga...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Itoobiya kali ah  laga kirayn doono saldhig ciidan, lakiin aan deked laga siin doonin Somaliland. Madaxweynaha oo waraysi siiyay warbaahinta afka xukuumada ku hadasha, ayaa sheegay in Itoobiya ay isticmaali doonto dekeda Berbera, isla markaana ay noqon doonto dalkii ugu horeeyay ee...
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid qorshe ay sheegeen in maalinta berito ah lagu doonayo iney labada Gole ee Baarlamaanka ku ansixiyaan wax ka badalka Dastuurka. Xildhibaanada oo qaarkood arinkaasi ka shiray ayaa uga digay madaxda dowladda fedaraalka in xiligaan ay qaadaan talaabooyin...