Monday, August 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Antalya kula kulmay dhigiiisa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. kulanka oo ka dhacay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, dadaallada ka dhanka ah argagixisada, iyo sidoo kale walaacyada gobolka iyo caalamka. Intii uu socday kulanka, Madaxweyne...
 Madaxweynayaashii ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa xalay Muqdisho ku yeeshay kulan gaar ah oo ku saabsanaa arrimaha dastuurka. Labada madaxweyne hore ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn ugasoo horjeeda in dowladdu wax ka beddel ku sameyso dastuurka dalka, iyadoo aan loo marin dariiq sax ah. Maxamed...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay xadgudubka ay Itoobiya ku hayso madax-banaanida Soomaaliya, wuxuuna mar kale ku celiyay in xadgudubka Itoobiya uu khatar ku tahay xasilloonida gobolka. Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya ee Turkiga ayaa wuxuu halkaas ka sheegay in Itoobiya ay...
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa markii ugu horeysay si kulul u weeraray Xildhibaanada laga soo doorta deegaanada Hirshabeelle ee ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay in inta badan Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle ay kasoo horjeedaan maamulka Hirshabeelle oo ay caqabad ku yihiin. “Annaga waan...
Shirkadda diyaaradda ee Ethiopian Airlines ayaa waxay beenisay warar baraha bulshada ee internet-ka lagu faafiyay, kuwaas oo sheegayay in shirkaddu ay joojisay isticmaalka hawada Soomaaliya. Shirkadda Ethiopian Airlines waxay caddaysay in aysan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, iyadoo madaxa shirkadda Ethiopian Airlines uusan sheegin in aysan ammaan ahayn duullimaadyada hawada Soomaaliya. “Waxaanu...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyay deegaanada kala ah Cali yabal, Qalan qal iyo Sumadaale oo dhamaantood hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada is kaashanaya ay si gaar ah uga fuliyeen dhulka howd ah ee ku yaala...
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga UK James Stephen Heappey ayaa soo gabagabeeyey booqasho uu ku tagay Soomaaliya iyo Kenya, isagoo la kulmay madaxda sare iyo saraakiisha difaaca oo uu kala hadlay xoojinta iskaashiga difaaca gobolka iyo  ciidamada. Wasiiru Dowlaha Difaaca Uk waxa uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si uu...
Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday olole ay ku dooneyso in wasiirkeedii hore ee arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ay noqoto guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AUC) ee soo socda, taasoo tartan la gali doonta hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay...
Shir usoo dhamaaday odayaasha dhaqanka iyo dadwaynaha deegaanka Lughaya ee galbeedka Somaliland ayaa lagaga soo horjeedsaday saldhiga badda ee Itoobiya la siinayo. Go'aamo kasoo baxay shirkan oo u socday odayaasha dhaqanka ayaa lagu sheegay in dadwaynaha deegaanku anay marnaba ogolaan doonin in ciidamada Itoobiya ay soo dagaan deegaanka. "Badan Lughaya ee...
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, si uu uga qeyb galo madasha diblomaasiyadda ee Antalya. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa wadahadal muhiim ah la yeelan doona madaxda Turkiga si loo xoojiyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiye. Inta lagu guda jiro madasha, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa...