Garaadada SSC-khaatumo ayaa digniin u diray Somaliland, iyagoo sheegay in aanay mar kale ku fekerin in ay dib u xukumaan degaanada SSC.
Garaadadu waxay sheegeen in weli madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu isku dayayo inuu duullaan kusoo qaado dhulka SSC, iyagoo sheegay in ay muuqato in aan wax cashar ah...
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Qaasim Axmed Rooble, ayaa shaaciyay in afduubkii iyo dilkii loo geystay Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax in loo xiray 7 qof uu ku jiro taliyihii saldhigga Booliiska degmada Heliwaa.
Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay dowladdu in ay dadaal badan galisay sidii kiiskaas loo heli lahaa dadka ku lugta...
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay iney tahay musharax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.
Marwo Fowsiya Yuusuf oo shir jaraa'id maanta ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in diyaar u tahay iney u tartanto xilka guddoomiyaha Midowga...
Jemal Beker Abdula, oo ah Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Pakistan, ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Badda ee dalka Pakistan Admiral Naveed Ashraf Talaadadii.
Kulankan ayaa labada dhinac waxay isku dhaafsadeen arrimo la xiriira iskaashiga dhinaca badda iyo amniga gobolka.
Safiirku waxa uu sheegay in dawladda Itoobiya ay dhawaan Somaliland la...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Madaxweybaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu.
“Dhawaan waxaan ka...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan gaar ah kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulankooda uga wada hadlay iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horeyaan arrimaha amniga iyo ilaalinta xasiloonida gobolka,...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa goordhaw gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kiyata kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua wasiirka Gashaandhiga kenya Adan Barre Ducaale iyo masuuliyiin...
Ciidamada Nabad sugida, Booliiska Haramcad iyo kuwa xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan si wadajir ah uga sameeyay maanta deegaano oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada ayaa si wadajir ah howlgalka uga fuliyay tuulooyin dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Jilib Marko...
Madaxweyne Deni ayaa maanta illaa caawa laga sugayaa inuu ku dhawaaqo liiska golihiisa wasiirrada, ka dib muddo ka badan bil oo ay kasoo wareegatay markii dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland ee 2024-2029.
Baarlamaanka Puntland ayaa muddo bil ah siiyay madaxweyne Deni inuu kusoo dhiso xukuumaddiisa cusub. Muddadii loo qabtay...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galeen madax kala duwan uu ka mid yahay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo taliyaasha ciidamada dowladda Soomaaliya.
Shirka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray dardar galinta howlgalada dalka looga ciribtiraayo kooxda...


















