Dad Loo Haystay Dilkii C/naasir Dahable oo Denbi Lagu Waayey Lana Siidaayey.

0
64

Hay’adda danbi baarista ee CID-da Soomaaliya ayaa dambi ku weyday oo siidaysay 10 eedaysane oo loo haystay dilkii C/naasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable), oo ahaa mas’uul katirsanaa hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya.

Baaritaan ay iska kaashadeen Khubarada dambi baarista Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka helayay sheybaarka dambi baarista ee booliska Turkiga, ayaa daaha ka qaaday in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya eedeysanayaasha lasii daayay iyo dembiga dilka ah ee loo haystay.

Qoysaska ay ka soo jeedaan dadka la xiray oo ay wehliyaan qareenadooda, ayaa si weyn ugu baaqayay in si deg deg ah xal looga gaaro xariga dadkan, iyagoo ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo eedeysanayaasha iyadoo la eegayo caddeymaha cusub ee kasoo baxay shaybaarka.

Natiijada baarista ayaa timi todobaad ka dib markii ay Somaliland ku eedaysay dawladda Faderaalka in ay jir dil u geysatay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo booqday maxaabiista, oo dalbanayay in si degdeg ah loo sii daayo.