Monday, August 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta u magacaabay Kamaaludiin Daahir Xasan Guutaale inuu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raysal wasaaraha. Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale ku xigeenka Xoghayaha joogtada ee Xafiiska Raysal wasaraaha u magacaabay Cabdirisaaq Cali Ibraahin. Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Raysql wasaare Xamse ayaa...
Wasiir ku xigeenka Wasaaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa faahfaahin dheeraad ka bixiyay howlgal maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in howlgalada ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ee ka...
Ilaa 37 qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo Soomaaliya ka dilaacay tan iyo bishii Janaayo, taasoo muujineysa saamaynta cudurka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Wasaaradda caafimaadka iyo adeegga bulshada ayaa sheegtay in ay sare u kaceen kiisaska daacuunka, iyadoo wadar ahaan la soo sheegay 3,365 xaaladood. “Laga soo bilaabo...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Xalay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku dileen Nabadoon lagu magacaabo Cabdi Xasan Muxidiin oo ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho. Xubnaha ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa Xalay saqdii dhexe weeraray hoyga uu Nabadoonka ka deganaa degmada Deyniile oo ku yaala...
Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo noqotay dalkii 8-aad ee Bulshada Bariga Afrika, ka dib markii ay dukumentiga ansixinta u gudbisay Xoghayaha Guud ee EAC , Dr. Peter Mutuku. Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid...
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa isku howlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiiska dhinaca badda ah oo ay Itoobiya la gashay Somaliland. Willian Ruto oo isku dayay inuu dhexdhexaadiyo Xasan Sheikh iyo Abiy Axmed, ayaa waxaa ka biyo diiday madaxweynaha...
Somaliland ayaa baalmarisay shaqaalaha Hay'adda Hawada iyo Madaarada, oo ay sheegtay in ay hanteen maamulka hawadeeda. Xaflad abaalmarin ah ayaa Hargaysa loogu qabtay hablo iyo inamo ka hawlgala hay'adda hawada, oo la sheegay in ay dadaal u galeen sidii Somaliland ay hawadeeda u hanan lahayd. "Nin reer Somaliland isku doontay nasan...
Xoghayahii joogta ee xafiiska Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Subeyr ayaa goordhaw shaaciyay inuu iska casilay xilkaas. Maxamed Abuukar Subeyr ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka haayay Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya. Qoraalka ayuu ku sheegay Maxamed Abuukar inuu si iskiis...
Hooyo iyo laba Caruura oo ay dhashay ayaa ku dhintay dab ka kacay hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax ee Hargaysa, sida uu sheegay Ciidanka Dabdamiska Somaliland. Warbixin kasoo baxday dabdamiska ayaa lagu sheegay in  4:00 subaxnimo ciidanka Dabdemiska Hargeysa uu ka hawlgalay una gurmaday...
Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa si adag uga hadlay banaanbax khasaare geystay oo shalay ka dhacay Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho. Banaanbaxaas ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo shacab ah oo ay haleeshay rasaas ay ku fureen askar ka tirsan ciidamada amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya. Taliyaha ayaa...