Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Laag ee Gobolka Bari oo Ciidamada PSF Ka Hadleen.

0
6

Ciidanka Puntland Security Force (PSF) ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan oo ku jiray hawlgal amni oo caadi ah lagu weeraray deegaanka Laag ee gobolka Bari, halkaas oo uu ka dhacay iska horimaad ay la galeen ciidamada Puntland.

Xoghayaha guud ee PSF, Cabdikhaaliq Awil, ayaa BBC-da u sheegay in aroornimadii Isniinta ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay ku jireen hawlgal amni, balse lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso.

Cawil ayaa sheegay in ciidamadooda oo uu sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku dayeen inay la xiriiraan saraakiisha dhinaca kale si xaaladda loo dejiyo, hase yeeshee uu xigay rasaas socotay illaa salaaddii subax. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hawlgalkoodu uusan ahayn mid dagaal.

Sarkaalka PSF ayaa sidoo kale sheegay in, sida xogta ay hayaan, aysan jirin askari ama qof rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay iska horimaadka.

Dhanka kale, Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Puntland ay ka fuliyeen deegaanka Laag hawlgal amni oo ka dhan ciidanka PSF, iyadoo ku eedeeysay inay dowladda Federaalka ka dambeyso qalalaase laga abuuro gudaha Puntland.