Taliyaha ciidanka Booliiska maamulka Puntland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay lacago badan ku bixinayso qalqal galinta ammaanka Puntland.
Taliye Muumin ayaa sheegay, in dhawaan shirar ka dhacay magaalada Muqdisho lagu go’aamiyay in lacago lagu bixiyo sidii ammaanka Puntland loo qalqalgalin lahaa.
“Waxyaalaha dareenka leh...
Wararka nagasoo gaaraya tuulada Buurawadal oo ku dhawaad 30km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Garowe, balse katirsan gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeysa ciidamo ka kala tirsan maamulka Puntland iyo kuwa SSC Khaatumo.
Xiisaddan ayaa salka ku haysa kastam canshuuraha lagu aruriyo...
Shirkadda Diyaaradaha ee FLY Dubai ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Muqdisho sida lagu sheegay fariinta lagu wargaliyay hay’adaha ay khusayso ee dowladda.
Duulimaadkeeda ugu dambeeya ayaa waxay sameyn doontaa 10-ka June. Sababta dhabta ah ee loo hakiyay duulimaadyada shirkadda Fly Dubai ayaa ah walaac dhanka amniga ah.
Waa...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doorto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa qoraal uu kasoo saaray madaxtooyada Soomaaliya, waxa sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynuhu waxa uu...
Soomaaliya ayaa loo doortay in ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano oo ka bilaabanaysa 2025-2026.
Waa markii ugu horraysay muddo 52 sano ah ka dib ay Soomaaliya ku guulaysato inay kursi aan joogto ahayn ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxaa Soomaaliya lagu doortay...
Maxkamada gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay sadax nin oo lagu helay iney ka dambeeyeen dil horay loogu geystay Dhaqtar iyo Macalin Dugsi Quraan oo walaalo ahaa.
Sadaxdaan nin ee maanta la toogtay ayaa lagu magacaabaa Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax iyo Bile...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah kula qaatay magaalada Seol ee Caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed dhigiisa dalkaas Han Duck-soo.
Raysal wasaarayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfiureed ayaa kulankooda kaga wadahadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma...
Taliska ciidanka PSF ayaa iska fogeeyay eedayn uga timid taliyaha ciidanka Booliiska Putland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, kaasoo ku eedeeyay inay weerareen saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso.
Falkaas oo ka dhashay dhaawaca labo askari ayay PSF sheegtay inay xireen askartii falkaas geystay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidanka PSF ayaa lagu sheegay...
Soomaaliya ayaa rajeynaysa in aan lagula tartami doonin doorashada kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida ay ku waramayaan ilo diblumaasiyeed oo dowladda katirsan.
Warar aan si dhab ah weli loo xaqiijin ayaa sheegaya in uusan jirin dal kaloo Afrikaan ah oo Soomaaliya tartan kula galaya...
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa magacaabay xubno ka mid noqonaya golaha Wasiiradda maamulka Galmudug.
Madaxweyne Qoor qoor ayaa magacaabay sadax Wasiir, hal wasiir ku xigeen iyo laba wasiiru dowle, kuwaas oo ka mid noqonaya xubnaha golaha wasiiradda dowlad goboleedka Galmudug.
Wasiiradda uu magacaabay Madaxweyne Qoor qoor ayaa...


















