Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay la xisaabtami doonaan shakhsiyaadka colaadda ka hurinaya gobolka Galgaduud, isagoo maamulku uu sheegay inay heli doonaan magacyada shakhsiyaadkaas.
Wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin colaadda dhexmaraysa beelaha ku dagaalamaya gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay inay jiraan dad...
Saraakiisha ciidanka amniga Puntland iyo masuuliyiinta gobolka Nugaal ayaa maanta magaalada Garowe kusoo bandhigay hub iyo maandooriye lagusoo qabtay howgallo malamihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Garowe.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa warbaahinta u sheegay in ay magaalada Garowe ka nadiifiyeen hubkii sharci darrada ahaa ee shacabka gacanta...
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug iney ku guuleysteen kala qaadista maleeshiyo beeleed Shalay ku dagaalamay deegaanka Laandheere oo u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale.
Ciidamada ku guuleystay iney kala qaadaan maleeshiyaadka beelaha Mareexaan iyo Dir ayaa waxaa hoggaaminaayo taliyaha...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaal beeleed saacado badan qaatay oo Shalay ka dhacay deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xareele ee gobolka Galgaduud.
Khasaaraha la xaqiijiyay ee dagaal beeleedkaas uu geystay ayaa ah dhimashada in ka badan 50 ruux iyo dhaawac...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa la sheegay in saakay jab xooggan gaarsiiyeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo aroortii hore ee saakay weerar qaraxyo ku bilaawday kula jarmaaday degmada Ceeldheer.
War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay kasii war...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Laandheere oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Dagaalkaan ka socda deegaanka Laandheere oo 20 KM u jira deegaanka Huurshe ayaa ah mid u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka...
Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ali Abdi Awaare ayaa soo dhaweeyay war saxaafadeed kasoo baxay dowladda Masar oo lagu shaaciyay in bisha soo socota 11-July la bilaabi doono duulimaadyada Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya ayaa sheegay inay tallaabadan tahay mid sare u qaadeysa xiriirka...
Ciidanka nabad sugidda Puntland ee lagu magacaabo PSF, ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen labo xubnood oo katirsan kooxda Daacish oo kasoo jeeda dalka Tanzania.
Labadan xubnood ayay ciidanka PSF sheegeen inay ka bad baadeen duqayntii uu todobaadkii hore Maraykanku la beegsaday saldhig Daacish ay ku lahaayeen deegaanka Af-cas ee...
Qaramada Midoobay ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay xubinimada Soomaaliya ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026.
“Soomaaliya waxay soo martay waddo dheer soddonkii sano ee la soo dhaafay iyadoo ku socotay waddadii nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada kursi ka mid ah golaha ammaanka waa aqoonsiga horumarkaas la mahadiyo,”...
Taliyaha ciidanka Booliiska maamulka Puntland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay lacago badan ku bixinayso qalqal galinta ammaanka Puntland.
Taliye Muumin ayaa sheegay, in dhawaan shirar ka dhacay magaalada Muqdisho lagu go’aamiyay in lacago lagu bixiyo sidii ammaanka Puntland loo qalqalgalin lahaa.
“Waxyaalaha dareenka leh...


















