Shacabka Gonolka Bakool oo Taliska Ciidanka Xoogga Gaar ahaan Guutada 9’aad Amaro Cusub ku soo Rogeen.

0
318

Taliska ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ka howlgasha deegaanada gobolka Bakool ayaa soo saaray amaro ku socda dadka ku nool deegaanada ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Awaamiirta kasoo baxday taliska ciidanka xoogga ee gobolka Bakool oo ka kooban ilaa 6 qodob ayaa ahaa dhamaantood kuwa quseeya dagaalka lagu doonayo in deegaanadaasi looga xureeyo kooxda.

Qodobada waxaa ka mid ah in dadka shacabka ah aysan la macaamili karin Al-shabaab iyo iney isaga fogaadaan goobaha Al-shabaab joogaan oo laga fulin doono weeraro ka dhan ah Al-shabaab.

Taliska ciidanka xoogga ee gobolka Bakool ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidanka oo ay soo gudbiyaan xogaha Al-shabaab, waxaana taliska uu balan qaaday in abaal marino la siin doono qofkii xog dhameystiran soo gudbiya.

Amaradaan kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ka howlgasha deegaanada gobolka Bakool ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidanka la sheegay iney u diyaar garoobeen howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada gobolkaas.