Saturday, August 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Maamulka Galmudug ayaa soo dhoweeyay go’aankii kasoo baxay Guddiga Amniga Qaranka ee la xiriiray hubka sharci darrada ee sida qarsoodiga ah loosoo galiyay gobolka Galgaduud. War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray hay’adaha garsoorka Galmudug inay hay’adaha Dowladda Federaalka  kala kaashadaan sidii caddaaladda loo horkeeni lahaa kuwii ka dambeeyay...
Kulan ay yeesheen guddiga amniga qaranka oo uu shir gudoominayay madaxweynahaa dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa lagu go’aamiyay in maxkamad lasoo taago dadkii hubka sharci darrada dhawaan dalka soo galiyay. Guddiga Amniga Qaranka ayaa wasaaradda caddaaladda iyo hay’adaha sharci fulinta u xilsaaray in ay soo gudbiyaan warbixin faahfaahsan iyo...
Madaxwaynayaasha Degaannada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in lasoo afjaray isla markaana heshiis rasmi ah laga gaaray colaaddii ka dhex taagnayd labadaas degaan, taas oo muddo dheer soo jiitantay. Wada hadallo maalmihii lasoo dhaafay usocday madaxda labadaas degaan ayaa ugu dambeyn galinkii dambe ee shalay qalinka lagu...
Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sidda, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday taliyihii saldhigga Booliiska ee degmada Huriwaa, Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, xukunkaaas oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax. Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka Sidda ayaa waxay aqbashay...
Madaxda magaalada Minneapolis ayaa baajiyay safar ay horraantii sanadkan ku tagi lahaayeen Soomaaliya maalmo ka hor inta aysan duulin. Safarkooda oo ku saabsanaa in la dhiso isku xirka bulshada Soomaalida iyo Maraykanka ayaa u baaqday sida la sheegay sababo amaan awgeed. Masuuliyiinta qorshaynayay inay safar ku tagaan Soomaaliya waxay kala ahaayeen...
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal ka dhacay deegaanka Beerayabaal kusoo qabtay nin Ajnabi oo ka barbar dagaalamayay kooxda Al-shabaab. Ninkaan Ajnabiga ah ee ciidamadu gacanta  kusoo dhigeen ayaa ah Itoobiyaan kasoo jeeda Qowmiyada Oromada, kaasoo qeybo ka mid ah jirkiisa ay ku taalo Shabad ka...
Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa been raqiis ah ku tilmaamay dacwada uu soo jeediyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland ee golaha wakiilada lagaga codsaday in Abiib xilka lagaga qaado. Xildhibaanka oo Hargaysa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in xukuumada Biixi ay weerarayso cidkasta oo farta ku fiiqda kadib markii ay ku...
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Uganda in dad shacab ah ay ku dileen deegaanka Buula mareer. Ciidanka ATMIS ayaa la sheegay in beer ku taala deegaanka Buula mareer ay ugu galeen sadax ruux, dababeedna labo ka mid...
Maamulka Galmudug ayaa sheegay hubkii maalmo ka hor gacanta u galay ciidamo maleyshiyo beeleed oo kasoo jeeda Cabudwaaq, inuu ahaa hub sharci darro ah oo loo waday in loogu adeego danahada kooxda Alshabaab, iyo iska horkeenidda shacabka. War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inuu maamulku tallaabo ka qaadi...
Somaliland ayaa walaac ka muujisay hubka gacanta u galay maleeshiiyo beeleedka degmada Caabudwaaq ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in qaadistii cunaqabataynta hubka Soomaaliya anay ahayn go'aan sax ah. Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa lagu sheegay in saddexdii billood ee lasoo dhaafay ay kooxda Al Shabaab...