Saturday, August 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku dhinteen qarax miino oo ka dhacay deegaanka Laagan oo u dhaxeeya deegaanada kala ah Guduudey iyo Buulo bacaad oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Xubnaha Al-shabaab ee qaraxa ku geeriyooday ayaa ka koobna shan...
Waxaa maanta laga hirgaliyay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar Taalo loo dhisay askartii ku geeriyootay weerarkii dhawaan ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar. Askarta taalada loo dhisay oo dhamaantood  geeriyootay ayaa ka kooban afar askari oo uu ugu horeeyay furahayahii Xabsiga Xasan Xuseen Raage iyo sadax kale oo ka...
Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in aysan sii deyn doonin Viisadaha dal-ku-galka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya ee heysta baasaboorka adeegga. Go’aankan oo dhaqan galay laga soo bilaabo 18-kii bishan July ayaa waxaa shaaca ka qaaday Xamza Aadan Hadow oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya,...
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaca ka qaaday inuu bilaabay baaritaan ku saabsan fal dil ah oo ka dhacday degmada Buulo Mareer 17-kii July 2024. Dhacdadan ayaa  sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawaca mid kale. ATMIS waxay qiratay eedeymaha ah in ay ciidamadooda si kas ah u dileen...
Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macallin Ciid oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya,  ayaa sheegay in dil loogu hanjabay, markii uu ka hadlay dhacdadii Xabsiga dhexe iyo weerarkii maqaayadda Top Coffee, isagoo ku eedeeyay dowladda in aysan qaadin wax tallaabo ah oo looga jawaabayo dhacdooyinkaas. Xildhibaanka oo hadal ka jeedinayay fadhiga baarlamaanka ayaa sheegay,...
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa horgeeyay Baarlamaanka Turkiga mooshin uu ku dalbanayo in la ogolaado in ciidamada Turkiga la geeyo badda Soomaaliya. Tallaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal galinkii dambe ee Shalay ku dhexmaray tuulooyin hoostaga deegaanka Murcudka ee ka gobolka Hiiraan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kooxda Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Ururka 39-aad guutada 5-aad qeybta 27-aad...
Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya  ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaddib kulan ay xalay yeesheen. Sidoo kale, Golaha wasiirrada ayaa kulankan ku soo saaray Qaraarka Mamnuucidda ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka ee loo yaqaan (Cir-toogte), iyaga oo ansixiyey Siyaasadda Iibka Hubka,...
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan sahaminta iyo soo saarista Saliidda iyo Gaaska, iyadoo heshiiskan uu noqonayo tallaabo kale oo kor u qaadaysa xiriirka  u dhexeeya labada dal. Heshiiska waxaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo...
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Galgaduud ku qabtay dhowr jirgaan oo ay ku jiraan shidaal iyo agabyo kale oo la rumeysan yahay in loo waday degaanada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Xoogga dalka ayaa sidoo kale deegaanka Masagawaa ku dilay nin hubaysan oo la sheegay inuu katirsanaa Alshabaab. Sidoo kale...