Saturday, August 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay maanta ka hadashay hub sharci darro oo gacanta u galay ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo kasoo jeeda degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay, in hubkaas oo uu ahaa hub sharci darro ah oo ay...
Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa Golaha Wakiilada usoo jeediysay in maamuuska laga xayuubiyo Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland. Waraaq uu ku saxeexanyahay garyaqaanka guud oo ay xeer ilaalintu ku codsanayso in maamuska lagaga xayuubiyo Xildhibaan Abiib, ayaa loo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Yaasiin Xaaji Xaaji Maxamuud Xiir...
Maamulka Puntland ayaa sheegay hubkii shalay lagu qabtay degaanka Shiilo Madow ee gobolka Galgaduud uu khatar weyn ku yahay xasiloonida Gobolka iyo Nabadda Soomaalida dhexdeeda. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi faarax Saciid Juxa ayaa sheegay, hubkaan sharci darrada ah ee lagu qabtay gobolka Galgaduud inuu qeyb ka yahay natiijada ka...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saakay xukuno dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsana kooxda Al-shabaab oo horay dilal kala duwan uga geystay gudaha magaalada Kismaayo. Shantaan xubnood ayaa lagu toogtay fagaare ku yaala magaalada Kismaayo, waxaana ku sugnaa fagaaraha toogashada ka dhacday saraakiil ciidan...
Ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyooday markii  Labo gaari oo xamuul ah oo siday hub ka yimid dalka Ethiiopia ay ku dagaalameen ciidamo ilaalo ka ahaa hubkaas, iyo maleyshiyaad kasoo jeeda degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Maleyshiyaadka deegaanka ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen guud ahaan hubkaas oo...
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii ismiidaamin ahaa ee xalay ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo kutaala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan qof iyo dhaawaca 20 kale. War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha internetka Alshabaab, ayaa lagu sheegay in kooxdu ay weerar...
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jenaraal Mahad Cabdiraxman Aadan ayaa shaqo ka joojin si ku meel gaar ah waxaa loogu sameeyay taliyahii Xabsiga dhexe Seereeye guuto Daahir Cabdulle Raage, kadib weerarkii khasaaraha geystay ee maalin kahor ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar. Wareegatada ayaa sido kale lagu...
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano taliye Shub ayaa shaaca ka qaaday in furahayahii Xabsiga dhexe ee lagu dilay weerarkii Xabsiga Dable Xasan Xuseen Raage in taalo geesinimo looga dhisi doono gudaha Xabsiga. Dable Xasan Xuseen oo ahaa furahayaha Xabsiga ayaa waxaa toogasho ku dilay...
Qarax ka dhacay bannaanka maqaaxi lagu shaaheeyo oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan shan qof, sida ay booliisku sheegeen. Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxan ayaa daawanayay ciyaartii u dhaxeysay Spain iyo England, ka hor intaanu gaari laga soo buuxiyay...
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa faray hay’adaha dambi baarista inay jawaab ka keenaan sababta ay ku suurto gashay in gudaha xabsiga Muqdisho ay weerar ka geystaan maxaabiis  xukuman oo katirsanaa Alshabaab. Dr. Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay tahay wax aan la filaynin in fal nuucaas ah uu ka...